Saamaynta suugaanta: Tusaale Yasiid bin Mucaawiye
Bilowgii siddeetanaadkii qarnigii tagay, waxaan muddo guri ku wada noolayn oday cutush ahaa oo aan qaraabo ahayn. Odaygu wuxuu ahaa nin noloshiisa badankeeda miyi ku qaatay, oo malaha markaas baa magaalo ugu horraysay. Sidaa darteed, ma uu oggolayn in uu seexdo qolalka guriga, wuxuuna oran jirey: “Ilaahow annaga oo nool qabri ha na gelin, oo cirka ha naga qarin! Maandhooyinow aniga oo nafi igu jirto is aasi maayo!” Taa awgeed, waxaa gogol loo dhigi jirey deyrka guriga. Habeenka inta uu hurdo iyo inta uu soo jeedo waxaa badnaa inta uu soo jeedo. Waxaana caado u ahayd in isaga oo dhacdiid u jiifa uu habeenkii oo dhan gabay mariyo. Gabayada ugu badan ee uu marin jireyna waxay ahaayeen kuwa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (AUN).
Odaygu inta uu gabayada marinayo, mar Sayidka wuu ammaani jirey, marna cay iyo habaar buu isugu dari jirey. Waxaan la yaabay sida odaygu Sayidka mar u ammaanayo marna u habaarayo, oo haddana cabbaar yar ka dib mar kale ugu ducaynayo. Dadkii iga weynaa oo aan arrinkaas wax ka weydiiyey – waa ka xumahay in odayga qudhiisa aanan arrinkaas si toos ah u weydiin- waxay ii sheegeen in odayga oo carruur ah ay ciidamadii Daraawiishu duullaan ku qaadeen deegaankii reerkoodu deggenaa, duullaankaasna lagu dilay rag aabbihiis ka mid ahaa, xoolihiina looga dhacay. Odayguna kolka Sayidka uu ka eego dhanka suugaanta iyo aftahannimada uu jidboodo, duco iyo ammaanna huwiyo, laakiin dhanka kale marka uu soo xasuusto dhibkii Daraawiishtu u gaysteen uu cay iyo habaar ku hurgufo, oo arrinku uu ku xiran yahay hadba dareenka uu markaas dareemayo.
Dhanka kale, khaliifkii Ummawida ee Yasiid bin Mucaawiya ama Yasiidkii 1-aad ( 645-683) wuxuu ahaa kelitaliye dilaa ah, oo wax wanaag ah aan lagu sheegin. falalka uu geystay kuwooda ugu waaweynna waxaa ka mid ah xasuuqii Xuseen bin Cali bin Abii Taalib iyo dadkii la socday loogu geystay Karbala dabshidkii 61H/680M, iyo xasuuqii Xarra ee magaalada Madiina loogu geystay saxaabadii nebiga iyo taabiciinta dabshidkii 63H/683M, iyo sidoo kale cunaqabatayntii uu saaray magaalada barakaysan ee Maka al-Mukarama.
Hase ahaatee, dad badan xumaanta Yasiid waxay illoobaan marka ay maqlaan maansadiisa, siiba gabayga lagu magacaabo “Ma caashaq baa ku helay mase fallaaro baa lagugu ganay /أصابك عشق أم رميت بأسهم” iyo kan kale ee loo yaqaan “Roobka luulka /مطر اللؤلؤ”. Gabayga hore waxaa ku jira erayo diin ahaan dad badan dhibsadaan, laakiin suugaan ahaan waa gabay aad loogu khushuuco, Yasiidna Alle looga baryo inuu carrabkiisa cadaab ka dhawro. Waxaana igu maqaal ah in Carabta Shiicada ah qudhoodu ay ka mid yihiin dadka u riyaaqa gabayada Yasiid. Waxaana la og yahay in muslimiinta Shiicadu ay aad u neceb yihiin Ummawiyiinta, gaar ahaan Yasiid bin Mucaawiye oo dilkii Xuseen bin Cali ay ku sii colaadiyaan. Nebigana (scw) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “aftahannimada qaarkeed waa sixir /وإن من البيان لسحرا”. Waxaana xusid mudan, in la sheego in Yasiid gabadha uu gabayga u tiriyey uu ku arkay magaalada Maka, xilli xaj lagu jirey. Meerisyada gabaygana waxaa ka mid ah;
أراكَ طَــــروبـــاً ذا شجـــاً و ترنـــمِ - تــطـوفُ بـأكـناف الـسّـجاف الـمـخيمِ
أصــابــك عشقٌ أمْ رُميت بأســهـمِ - ومـــَــا هــــذه إلا ســجـيّـة مُــغــرمِ
أُشـــيــرُ إلــيــهـا بــالـبـنـان كــأنّــمـا - أُشـيـرُ إلــى الـبـيتِ الـعتيقِ الـمعظّمِ
خُــذوا بـدمـي ذات الـوشـاحِ فـإنـني - رأيـــتُ بـعـيـني فــي أنـَامـلها دمــي
خُـــذوا بــدمـي مـنـها فـإنـي قـتـيلها - ومــــا مــقـصـدي إلا تــجــود وتـنـعـم
ولا تـقـتـلـوهـا إنْ ظــفـرتـم بـقـتـلـها - ولـكـنْ سـلـوها كـيفَ حـلّ لـها دمـي
وقـولـوا لـهـا يــا مُـنـية الـنفس إنـني - قـتيلُ الهوى والعشقِ لو كنتِ تعلمي
ولا تـحـسـبـوا أنـــي قُـتـلـت بــصـارمٍ - ولـكـنْ رمـتـني مــِن ربـاهـا بـأسـهمِ
أغــــارُ عـلـيـهـا مِـــن أبـيـهـا وأمِــهـا - ومـن خـطوةِ المسواكِ إن دار في الفمِ
أغـــارُ عــلـى أعـطـافـها مــن ثـيـابها - إذا لـبـسـتها فـــوق جــسـمٍ مُـنـعـمِ
وأحـــســدُ أقــــداحاً تــقـبـلُ ثــغـرُهـا - إذا وضـعـتها مـوضـعَ الـلثمِ فـي الـفم
لــهـا حـكـم لـقـمان وصــورة يـوسـف - ونـــغــمــة داوود وعــــفـــة مـــريـــمِ
ولــي حــزنُ يـعقوب ووحـشه يـونس - وآلام أيـــــــــــوب وحـــــســـــرة آدمِ
ولـــمّــا تــلاقـيـنـا وجـــــدتُ بـنـانـهـا - مـخـضـبـةً تــحـكـي عــصـارة عــنـدمِ
فـقـلت خـضـبت الـكـف بـعـدي هـكذا - يــكــون جـــزاء الـمـسـتهام الـمـتـيم
فقالت وأبدت في الحشا حرق الجوى - مـقـالة مــن فــي الـقـول لــم يـتـبرم
وعـيـشكم مــا هــذا خـضـاب عـرفـته - فـــلا تـــك بــالـزور والـبـهـتان مـتـهم
ولــكـنـنـي لـــمــا وجــدتــك راحــــلاً - وقـد كـنت لـي كـفي وزنـدي ومعصمِ
بـكـيت دمــاً يــوم الـنـوى فـمـسحته - بـكـفي فـاحـمرّت بـنـاني مــن دمـي
ولـــو قــبـل مـبـكـاها بـكـيـت صـبـابة - لـكـنت شـفيت الـنفس قـبل الـتندم
ولـكـن بـكت قـبلي فـهيج لـي الـبكا - بــكـاهـا فــكـان الـفـضـل لـلـمـتقدم
بـكيت عـلى مـن زين الحسن وجهها - ولـيـس لـهـا مـثـل بـعـرب وأعـجـمي
مــدنـيـة الألــفـاظ مـكـيـة الـحـشـى - هــلالـيـة الـعـيـنـين طــائـيـة الــفـم
ومـمشوطة بـالمسك قـد فاح نشرها - بــثـغـر كــــأن الــــدر فــيــه مـنـظـم
أشــارت بـرمـش الـعين خـيفة أهـلها - إشـــــارة مــحـسـود ولــــم تـتـكـلـم
فـأيـقـنـت أن الــطـرف قـــال مـرحـبـا - وأهـــلاً وســهـلاً بـالـحـبيب الـمـتـيم
فـوسـدتـهـا زنـــدي وقـبـلـت ثـغـرهـا - فـكـانت حــلالاً لـي ولـو كـنت مـحرم
فــــوالله لـــولا اللهِ والــخـوفِ والــرجـا - لـعـانـقـتُها بــيــن الـحـطـيـمِ وزمـــزمِ
وقـبـلـتـها تــسـعـاً وتـسـعـون قـبـلـة - مــفــرقـة بــالـخـد والــكــف والــفــم
وقـــد حـــرم الله الــزنـا فـــي كِـتـابهِ - ومـــا حـــرم الـقُـبلات بـالـخد والـفـمِ
ولــو حُـرِّم الـتقبيل عـلى ديـن أحـمد - لـقبلتها عـلى دين المسيح ابن مريم
ألا فـاسقني كـاسات خـمر وغـن لي - بــذكــر سـلـيـمى والــربـاب وزمـــزم
وآخـــر قــولـي مــثـل مـــا قـلـت أولاً - أراك طــــروبـــاً والـــهـــاً كــالـمـتـيـم
Gabayga oo lagu luuqaynayo halkaan ka dhegayso:

Comments