Safarkii Dheeraa Ee 'Labo Isma Saarin Xusuus Reeb'
Xalay waxaa i soo gaaray buugga ‘Labo Isma Saarin: Xusuus Reeb’ ee uu qoray saaxiibkay Mudane Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac, isaga qudhiisuna -mahadi ha ka gaartee- uu iiga soo hadiyeeyey magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Saambiya.
Buugga weli ma akhrin, laakiin markaan ka duulo aqoonta aan qoraaga buugga u leeyahay, kalsooni weyn baan ku qabaa in xog badan oo xiiso leh aan ugu tegi doono. Inta aan la gaarin afkaarta iyo doodaha buuggu uu gudbinayo, qacda horeba waxaa ku cajabinaya hawsha laga qabtay dhanka soosaaridda iyo bilicda indhuhu u bogayaan. Soomaaliduna waa iyada ku maahmaahda ‘Ruuxii ama wixii araggiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa.’
Buugga oo muddo afar bilood ka badan waddada ku soo jirey, 5-6 qof ayaa midba mid u soo dhiibay ka hor intii uusan xalay gacantayda soo galin, ugu yaraanna saddex dadkaas ka mid ah baa fursad u helay in ay akhriyaan.
Akhristow, sheekaba sheekay keentaaye, safarkii iyo wareeggii dheeraa ee buuggaani uu soo galay, waxay i xusuusiyeen dhacdo xiiso lahayd oo horay ii soo martay. Bishii Diseembar ee sannadkii 2011, magaalada London waxaa ku kulmay Siciid Jaamac Xuseen iyo Axmed Shiikh Jaamac ama Axmed Macallin Jaamac -labadaba Eebbe ha u naxariistee. Xilligaas Siciid wuxuu Axmed u dhiibay bushqad buug ku jirtey oo aniga igu socotay. Dabadeed, dabayaaqadii bishii Juulay ee sannadkii 2012, ayaa Siciid iyo Axmed mar kale waxay ku kulmeen magaalada Hargeysa. Intii ay sheekaysanayeenna Siciid wuxuu Axmed weydiiyey: Cabdisaciid sidee buu ahaa?
Axmed: Waa Cabdisaciid kee?
Siciid: Cabdisaciid Cabdi
Axmed: Cabdisaciid Cabdiga aad sheegaysaa waa kuma?
Siciid: War Cabdisaciidkii kal hore aan buugta kuugu dhiibay.
Axmed: Yaa! War bal sug, ceeb baa dhacdaye! Ceebeey tacaal!
Dabadeed, Axmed waxa uu furay shandaddii uu sitay, wuxuuna ka soo saaray bushqaddii ay ku jireen buugtii Siciid sannad ka hor London ugu dhiibay.
Dhowr maalmood kadib, waxaa i soo wacay Abwaan Axmed Shiikh Jaamac oo Garoowe ku soo laabtay, buugtiina ii keenay, shilka dhacayna iiga warramay.
Siciid Jaamac Xuseen ‘AUN’, oo ahaa indheergarad bulshay ah, deeqsina ku ahaa afkaartiisa, waqtigiisa iyo xoolihiisa intaba. Tiro ma laha inta jeer ee uu buug iyo joornaallo ii soo hadiyeeyey. Mar ka mid ah mararkaas uu buugta ii soo dhiibay, waxaan isdhaafsannay labada dhambaal (=email) ee soo socda:
Dhambaalka hore oo aan anigu Siciid u diray, waxa uu ahaa sidaan hoos ku xusan;
Gacaliye Saciid,
Salaan diirran ka dib, labo maalmood ka hor ayaan waxaan tagey xafiiska shirkad aan la shaqeeyo, judhiiba markaan galay xafiiska ayaa wiil meel agtiisa ah wuxuu kala soo boodey bushqad, oo inta ii dhiibey ii raaciyey alaabtaan baa la iigu kaa dhiibey. Waxaan weydiiyey yaa iigu kaa dhiibey? Wuxuu iigu jawaabay: ma xasuusto ciiddii ii dhiibtey. Waxba kama soo qaadin, waayo waa nin shaqadiisu tahay inuu lacag la dhaqmo, muddada uu xafiiska ku sugan yahayna maskaxdiisu wax hawshaas dhaafsiisan ma danayso.
Markaan bushqaddii furay waxaan ugu tegey haddiyad qaaliya oo adiga kaa timid. Buug midba mid ka qiimo badan yahay iyo dhambaal si gaar ah ii xiiso galiyey. Markaan isbarbardhigo jiilkiinnii horay carabiga u bartay iyo jiilkayaga gadaal ka bartay, ugu yaraan waxaa jira hal qodob oo ay tahay in aan idiin qirno. Qodobkaasi waa quruxda farta.
Waxaa xusid mudan, in buugtii aanan midna maanta ka hayn, laakiin aan isleeyahay waxay gudanayaan shaqadii loogu talo galay. Ninkii bushqadda ii dhiibey waxaa la fadhiyey wiil dhallinyaro ah, kaasoo markuu buugta arkay si gaar ah u xiiseeyey buugga "Safar aan jiho lahayn", wuxuuna iga codsaday in aan ammaahiyo si uu u soo akhristo.
Wiilku ma ahayn nimaan aqaan, laakiin markaan arkay sida uu u danaynayo, naftu waa i siin weydey in aan u diido. Dabadeed inta u dhiibey baan waxaan ka codsaday inuu soo akhristo, markaa ka dibna uu iigu dhiibo wiilka xafiiska jooga.
Habeenkaas waxaan guriga ula dheelmaday labo buug iyo dhanbaal. Markaan guriga gaarayna wiil yar oo aan dhalay ayaa baarid ugu dhaqaaqay abxaddii odaygu xanbaarsanaa, waxaana uga soo baxay buug. Dababeed, waxaan u dhiibey buuggii Najiib Maxfuud, aniga oo cinwaankiisa ka dheehan karay in uusan ahayn buug carruur loogu talo galay, haddana waxaan hubaa inuu ka faa'iido mooyee in uusan ku khasaarayn.
Aroortii danbe aniga oo safar ahaa darteed, waxaan gacanta ku sii qaatay buuggii Hadraawi iyo mid kale, oo aan ku tashaday in aan akhriyo muddada aan safarka ku jiro. Laakiin gaarigii Garoowe iga qaaday oo Berbera i geynayey ayaan waxaan iska helnay nin aan saaxiibbo nahay, ninkaasina kolkii uu arkay buugtii aan gacanta ku sitey, wuxuu daneeyey akhrinta kii Hadraawi.
Sidaa darteedna, haddiyaddii waxaa gacantayda uga soo haray dhanbaalkii. Markaa ka dibna, waxaa maskaxdayda ku soo dhacday su'aasha ah: dib u bixinta sheyga haddiyadda la isu siiyaa ma habboontahay mise maya?
Waxaan rajaynayaa in xaaladahaan oo kale ay habboon tahay.
Walaal aad iyo aad baan kaaga mahadnaqayaa xusuusashada aad i xasuusatay iyo haddiyadda qaaliga ah labadaba, kana raalli ahow hadal tiradayda.
Mahadsanid
Cabdisaciid C. Ismaaciil
Dhambaalkii jawaabta ahaa ee Mudane Siciid Jaamac ii soo qorayna waxa uu u dhignaa sidan;
Gacaliye CabdiSaciid,
Salaan diirran iyo sama-la-kulan.
Waan ku diirsaday inay ugu dambayntii buugaagtii ku soo wada gaareen.
Saddexduba meelo ku habboon oo aan loo diidi karayn ayay mareen. Xadiiskii igmanaa ayaa igu soo duulay: "La yu'minu axaddukum .. xataa yuxibba li akhiihi maa yuxibbu li nafsihi." Imminka magaalada London ayaan ku soo laabtay. Bandhig dhaqameedkii sannad walba Oktoobar la qaban jirey (Somali Week Festival) ayaannu isu diyaarinaynaa.
Dhambaalka waxaan ka xasuustaa inaan Af carbeed qoristii isku dayay, erey kalese kama sii hayo waxaan ku soo tebiyay. Waa runtaa oo berigii hore qurxinta farta aad ayaa loo danayn jiray. Qalin keliya ayaaba wax lagu qori jiray. "AL KHADUL JAMIILU .. XULYATUL KAATIBI"
Nabad iyo tu san meel aad joogtidba.
Siciid Jaamac
Siciid Jaamac Xuseen iyo Axmed Shiikh Jaamac labaduba -Rabbi ha u naxariistee- waxay ahaayeen ugaasyo indheergarad ah oo soomaalinimada iyo bani’aadamnimada labadaba qaddarin weyn siiya. Waana hubaa in dad badan oo aqoon u lahaa ay tabayaan kaalinkoodii.
Ugu danbayntii, mar kale si mug leh waxaan ugu mahadnaqayaa qoraa Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac oo waqti badan ku bixiyey ururinta iyo diiwaan gelinta qayb ka mid ah dhacdooyinka taariikh la soo maray -xumaan iyo samaan wixii ay lahaayeenba- kuwaas oo loo baahan yahay in duruus laga barto si facyaasha iman doonaa ay ugu aayaan. Waana hubaa in akhristayaashu aysan marna ka qoomamaynayn doonin saacadaha iyo sunuudda yar ee ay ku bixinayaan akhrinta buuggaan.

Comments