Shaydaanku wuxuu dhashaa oo shaqaystaa marka runta la dafiro
“Shaydaanku waa noolyahay, waana ladan yahay, waqti dheeraad ah buuna shaqeeyaa si uu u wiiqo Kaniisadda Katooligga Roomanka.”
Sidaa waxaa yiri wadaadka ugu sarreeya Kaniisadda Katooliga ee Pop Francis.
Wadaadku wuxuu ku qanacsan yahay in Shaydaanku uu u qoolan yahay faraxumaynta baadariyaashu kula kacaan carruurta iyo kala qaybsanaanta gaamurtay ee ka taagan Kaniisadda dhexdeeda. Baadarigu dadka haysta mad-habta Katooliga wuxuu ku wacdiyey in bishaan Oktoobar oo dhan ay la yimaadaan salaado iyo Allebari badan si shaydaanka looga guulaysto.
Intii muddo ah Pop Francis waxaa lagu eedaynayey in uu ogaan u qariyo xogaha ku saabsan kufsiga wadaaddadu carruurta u gaystaan, khudbadda uu toddobaadkaan jeediyeyna dad badani waxay u arkaan in ay qayb ka tahay dadaalkiisa ku aaddan duugidda xaqiiqada. Wadaadku wuxuu dunida ka dhaadhicinayaa in gaboodfalka faraxumaynta aysan baadariyaashu eed ku lahayn, balse shaydaanku uu ka mas’uul yahay, xalkuna uu ku jiro in la ducaysto oo Weli Makaa’iil laga tuugo in uu shaydaanka jebiyo.
Laakiin su’aashu waxay tahay: baadarigu ma mudan yahay in galmo wax laga weydiiyo? Soo George Bernard Shaw waa hore naguma baraarujin in Boobku yahay kan dadka oo dhan mawduucaas ugu khibradda liita?
Qof ahaan, hadalka wadaadku wuxuu I xasuusisay khudbo sannadkii 2006dii wadaad lagu magacaabo Shiikh Taajudiin al-Hilaali uu ka jeediyey masjid ku yaal magaalada Sydney ee dalka Australia. Shiikh Hilaali wuxuu ka faallooday kufsi wiilal Lubnaani ahi ay kula kaceen gabdho xeebta magaalada ku dabaalanayey, eedda denbigana wuxuu saaray gabdhaha aan xijaabnayn. Isaga oo dooddiisa qiil u bixinayana wuxuu yiri:
“Mas'uuliyadda sinada 90% waxaa leh dumarka ee raggu ma leh. Sababta oo ah iyada ayaa haysata hubka damac gelinta.
Waa iyada midda dharka dhigatay, oo gaabisay, oo isruxday, oo mikyaajka iyo boolbaraha marsatay, oo waddada u baxday –Ilaah baan ka magan galnaye- iyada oo dheellinaysa … daymo, muusood, salaan, hadal, ballan, kulan, denbi iyo Long Bay jail. Dabadeedna waxaa kuu imaanaya qaalli aan naxariis lagu ogayn oo 65 sano ku siinaya… Laakiin musiibada oo dhan yaa bilaabay?
Haddii aad qaadato kiilo hilib ah oo aadan furunjeerka iyo xataa jikada gelin, laakiin aad uga tagto saxanka oo yaal fagaagga hore ee guriga, dabadeedna aad deriskaaga kula ilaaqtanto in bisadihiisu hilib kaa cuneen, waxaad noqonaysaa nin waalan! Eedda ma waxaa leh bisadaha mise hilibka aan la daboolin. Haddii aad daboosho hilibka bisaduhu kuma gaaf wareegayaan. Haddii hilibku ku jiro furunjeerka, si kasta oo ay isugu daydo ma heli karto, mukulaashu waa urinaysaa intay doontana madaxay derbigay la dhacaysaa, laakiin heli mayso. Haddii ay ku jirto qolkeeda, iyo gurigeeda iyo xijaabkeeda, iyo dhawrsanaanteeda dhibaato ma dhacdeen !!!"
Odaygii Fidel Kastaro ahaa waxaa laga sheegay in uu yiri: “Waagii aan gabanka ahaa, aabbahay wuxuu ii sheegay in si aan u noqdo Kaatolig wanaagsan, loo baahan yahay in mar kasta oo si xaraarad leh aan gabar uga fekero aan u qirto kaniisadda. Habeenkaas waan orday si aan u qirto denbigayga. Habeenkii ku xigay iyo kii ku sii xigayna sidaas baan yeelay. Laakiin toddobaad ka dib waxaan ku qancay in diintu aysan aniga igu habboonayn.” Kastaro ka horna Soomaaligii cirka u kaleetiyey waa tuu yiri: “Culumaa na wareerisay!”
Haddii sheydaanku uu la rafanayo Kaniisadda Katooliga oo uu saacado dheeri ah ku bixiyo si uu u burburiyo, maxay tahay belada wareerinaysa Barootastanka, Buudida, Hinduusta, Muslimiinta, Yahuudda iyo ummadaha diimaha kale haysta, mase qolo kasta sheydaan iyaga u gaar ah baa ka adeegta???

Comments