Sheekh Xuseen iyo Maykal Todaaro

Maanta waxaan ogaaday geeri sannad ka hor ku timid -Allaha u naxariistee- Sheekh Xuseen Khalaf Jabuuri oo ahaa nin u dhashay dalka Ciraaq, muddo soddon sano ka badanna macallin ka ahaa kulliyadda shareecada ee jaamacadda Ummu Qura ee dalka Sacuudiga.

Sheekh Xuseen wuxuu ka mid ahaa guddi shan macallin ka koobnaa oo ka qaybgalay fadhigii difaaca teesahaygii Mastarka, dabshidkii 2002. Macallimiinta shanta ahi waxay isugu jireen labo macallin oo teesaha kormeerayaal ama la-taliyeyaal ka ahaa, iyo saddex kaalinkoodu ahaa inay imtixaanaan ardayga iyo qoraalkiisa. Fadhigaas oo qaatay hilaadda 4 saac, waxaan ka xasuustaa hal dhacdo oo iyadu aan marna maankayga ka go’ayn. Haddaba, maxay tahay dhacdadaasi?

Intii imtixaanka teesuhu uu socday, ayaa macallin Masri ahaa, isaga oo caro aad u darani ay ka muuqato, wuxuu igu eedeeyey inaan meel uga dhacay barafisoor caan ah, oo ka mid ah dhaqaale-yahannada Masar iyo jaamacadaheedu ay ku dhaataan. Wuxuu yiri: adiga oo arday yar ah baad waxaad isku dhererisay macallin Masar laga yaqaan, oo ardaydii uu soo saaray ay jaamacado badan macallimiin ka yihiin? Maxaad ismoodday?

Sababta keentay carada macallinkaasi waxay ahayd, in qoraalkayga aan ku sheegay in barafisoorka Masriga ahi uu afcarabi u tarjumay qayb yar oo ka mid ah buugga caanka ah ee “Horumarinta Dhaqaalaha /Economic Development” ee uu qoray Michael P. Todaro, dabadeedna uu ka dhigay buug uu isagu qoray, isagoo mar qura aan soo hadal-qaadin buugga Todaro oo ka mid ah buugtii ugu horraysay ee mowduucaan horumarinta dhaqaalaha laga qoray, jaamacado badan oo dunida ahna laga yaqaan. Falkaas barafisoorku uu ku kacayna waa xatooyo cad, oo aan sinaba qiil loogu helayn.

Sida aan arrinkaas ku ogaaday waxay ahayd in labada buugba ay ka mid ahaayeen dhigaalladii miiska ii saarnaa ee aan qoraalkayga u kaashanayey.

Maalin maalmaha ka mid ahna, aniga oo akhrinaya buugga barafisoorka Masriga ahi uu qoray, baa waxaa maskaxdayda ku soo dhacday in isla waxa aan buuggaan ka akhrinayo aan meel kale ka akhriyey. Markaan akhrintii xoogaa wadeyna waxaa igu weynaaday dareenkii ahaa in xogta meeshaan ku qoran aan meel kale ka akhriyey, waxaana isweydiiyey halka aan ka akhriyey? Maalmo kooban gudahoodna waxaan ogaaday in buugga afcarabiga ku qorani uu yahay qayb ka mid ah kan Maykal Todaaro oo Carabi loo rogay.

Eeddii macallinku ii soo jeediyey waxaan uga jawaabay in labada buugba ay yaallaan maktabadda jaamacadda, oo aan ka fogayn hoolkii aan fadhinnay. Waxaana codsaday in buugtaas aan soo qaado si aan isula eegno. Haddii warkaygu been noqdana macallinku iga gar leeyahay, haddii warkaygu run yahayna ay eed la’aan tahay.

Macallinkii caraysnaa jawaabtayda kuma uu qancin, ee wuxuu bilaabay qaylo iyo inuu igu eedeeyo in denbigayga foosha xun aan wali ku sii indho adkahay.

Halkaas markay xaaladi maraysay, ayuu Sheekh Xuseen makaroofanka furtay oo aayar u yiri: Ustaad hebel ardaygu waa kaa gar leeyahay, oo jawaab loo qaateen ah buu bixiyey, ee buugta aan isu eegno ama aan ka gudubno? Macallinkii Masriga ahaa eray danbe ma oran, qodobkiina halkaas baa looga gudbay.

Waagayagii jaamacadda Ummu Qura waxaa joogay saddex macallin oo u dhashay dalka Ciraaq, oo saddexduba ahaa rag akhlaaq, aqoon diineed, iyo dadnimo wanaag ku sheeggan. Mid ka mid ah saddexdaas macallin waxaa la oran jirey Sheekh Yaasiin Naasir al-Khaddiib (AUN). Wuxuu ii dhiigay maaddo lagu magacaabo “Gogoldhigga ama Hordhaca Barashada Shareecada Islaamka” (=An Introduction to the Study of Islamic Law /المدخل لدراسة الشريعة اإلسالمية).

Sheekh Yaasiin waxa uu ahaa wadaad salafi ah. Sidaas oo ay tahay, haddana wuxuu ku doodi jirey in Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake (AUN) uu ahaa awliyo karaamo leh. Ugu yaraan, labo jeer baan maqlay isagoo arrinkaas meel fagaare ah ka sheegaya. Haddii xusuustu aysan i dhagrinna, wuxuu ii sheegay in Cabdirashiid uu hal mar arkay.

Qof ahaan, waagaas waxaan ahaa wadaad Ikhwaan-Salafi ah, sheekada welinimaduna ma ahayn mid igu socota -siiba in qof go’an lagu sheego inuu yahay weli karaamo leh, ma ahayn war ii qurqursamaya. Waxayna ila ahayd, welina i la tahay, in siyaasadda iyo awliyonimadu ay kala xanaaqaan.

Macallinkeen Allow kaal! Macallinkiis Allow kaal! Intii kalkaalisa Allow kaal!

Waalidiinteen, macallimiinteenna iyo uunka Alle inta dhimatay iyo inta noolba Eebbe ha u naxariisto! Aamiin!

Comments