Sheekobaraleyda Muwaadinka Wahsada

“Habka Islaamka waafaqsani waa in buugta la fahmo, haddii loo bogi waayana waa in buug kale lagu beeniyo. Buugta la mamnuuco waxay dacaayad u samaysaa afkaarta reer Galbeedka ee soo galootiga ah.”
~ Sayid Xuseen al-Caddaas

Buuggaan loo bixiyey cinwaanka aadka u dheer ee “SHEEKOBARALEYDA MUWAADINKA WAHSADA: Baaritaan Ku Saabsan Sawirka Laga Bixiyey Malaysida, Filibiinida iyo Jaawida Muddadii u Dhaxaysay Qarnigii 16-aad iyo kii 19-aad iyo Shaqada Dhanka Aydaloojiyadda Ah Ee Sawirkaasi uu u Hayey Hantigoosiga Gumeystaha,” oo markii koowaad la daabacay sannadkii 1977, waxaa qoray bulsho baare u dhashay dalka Malaysiya oo la oran jirey Sayid Xuseen al-Caddaas (1928-2007), waxaana lagu tiriyaa in uu ka mid yahay dhigaallada muhiimka ah ee sida cilmiyeysan u naqdiyey suugaanta gumeysiga laga dhaxlay ama fekerka gumeysiga kaddib ee lagu qoray Koonfur Bari Aasiya (=Southeast Asian postcolonial literature).

Sababta uu buuggu ahmiyadda ballaaran u yeeshay ma aha in uu difaacay dadyowga Malaysida, Filibiinida iyo Indooniisida oo keliya, balse waxa uu dib-u-akhrin iyo sixid ku sameeyey sida gumeystayaashu ay fikradda wahsiga uga dhigteen dacaayad ama hub aydaloojiyadeed oo ay ku niyad jebiyaan ummadaha ay gumeystaan, ka dib marka ay maanka ka qabsadaan (=capturing minds).

Sayid Xuseen al-Caddaas buuggaan si fiican wuxuu ugu falanqeeyey ‘sheekobaraleyda ummadaha wahsiga badan,’ isaga oo toosh weyn ku ifiyey asal ahaan halka fikraddu ay ka soo jeeddo iyo hawlaha ay qabato ee ah abuuridda iyo xoojinta aydaloojiyadda hanti-goosiga gumeystaha ah.

Gumeystayaashu dhammaan ummadihii ay gumeysteen -ee Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika- waxay ku sifeeyeen tilmaan kasta oo xun oo ay kow ka tahay tilmaanta wahsiga ama shaqo nacaybka.

Tusaale ahaan, gumeystayaashii qabsaday dhulka Malaysiya waxay allifeen sheeko oranaysa: “Malaaygu waa caajisoolayaal ma shaqaysteyaal ah, Shiinuhu waa duul laaluushka ku falan, Hindiduna waa fulay aan qun u hadalka aqoon, dadka oo dhanna waxaa ugu liita Filibiinida oo haba yaraatee aan la arag wax ay ku wanaagsan yihiin.”

Wadaad Isbaanish ahaa oo la oran jirey Gasbar de San Agoostiin warqad sannadkii 1720-kii uu u qoray nin ay jaal ahaayeen wuxuu ugu sheegay soddon sifo oo xun oo Filibiinidu ay leeyihiin, hadalkiisana waxaa ka mid ahaa:

“Haddii aad hal qof ka barato waxay la mid tahay in kulligood aad taqaan. Filibbiinidu waxay la mid yihiin dadyowga kale ee dega jasiiradaha Hindiyada Bari. Waxay ahaayeen duul isbedbeddal badan, been abuur badan, beenaalayaal ah. Muuqaalkoodu waa qabow iyo qoyaan, sababtuna waa saamaynta weyn ee dayaxu uu ku leeyahay. Waxay ahaayeen kuwo aan lagu kalsoonaan karin, wahsada, oo aan firfircooni lagu ogayn, jecel safarka webiyada, badda, iyo harooyinka. Waxay caan ku ahaayeen in aysan mahadnaqa aqoon, weligood sooma celin lagac ay wadaadka ka ammaahdeen, cibaadada uma sooma xaadiraan, sababtuna waa iyaga oo ka dhuumanaya bixinta deynta lagu leeyahay. Abidkood alaabta ay ammaahdaan sooma celiyaan jeer laga codsado in ay soo celiyaan, waxayna cudurdaar ka dhigtaan in aan la weydiisan. ‘Caayibnimadoodu waa xad dhaaf ilaa heer ay gaartay in haddii ay irid furaan aysan awoodin in ay xiraan; haddii ay qaataan qalab kasta oo la isticmaalo, sida mindi, maqas, burris/dubbe, iwm, marna kuma soo celiyaan meeshii ay ka qaateen, balse cidda ay ka qaateen agteeda bay ku xooraan.”

Caddaas dadka uu sida gaarka ah ugu eedaynayo in ay abuureen sheekaxariirta wahsiga dadyowga Koonfur-Bari Aasiya waxaa ka mid ah nin lagu magacaabi jirey Tomas Istaamford Rafles (1726-1826), oo muddo labaatan sano ka badan shirkaddii Ingiriiska ee Hindiyada Bari (=British East India Company) gobolkaan madax uga ahaa, xogo badanna uga uruuriyey. Tusaale ahaan, Rafles waxa uu ku andacooday: Malaysiyaanka ku nool dhul dabeecaddu ay wax walba ugu deeqdo isaga oo aan wax hawl ah qaban “Waa mid aad caajisoole u ah, kolka uu bariis haystana, lama arko shey keliya oo ku qalqaalin kara in uu shaqo qabto.”

Ulajeeddada dhabta ah ee eedaynta wahsiga ka danbaysaa waa in loogu qiil bixiyo silica iyo saxariirta ay gumeystayaashu kula kacaan dadyowga ay qoriga caaraddiisa ku muquuniyeen. Ujeeddadu waa in dadku ay aqbalaan gumeysiga ka dib marka lagu qanciyo in uu yahay waxa ugu fiican ee la heli karo “sawirka muwaadinka wahsada, ee dammiinka ah, ee dib-u-dhacu haysto, ee khaa’inka ahi, wuxuu isu beddelaa muwaadin u baahan in la caawiyo si uu u tafo jaranjarada horumarka.” Xilka gumeystuhu waa caawinta muwaadinkaas miskiinka ah ee aan lahayn karti uu iskiis wax ugu qabsado. Caajiska iyo caayibnimadu waa cilladda keentay in loo baahdo in gumeystayaashu ay ku deeqaan mashruuca ilbixinta ummadaha wahsigu dilooday (=Colonialism as Civilizing Mission). Wahsigu ma ahayn wax inta loo kuurgalay la arkay, balse waxa uu ahaa hub halis ah oo si baahsan loo adeegsaday.

Qoraagu si aad ah wuxuu ugu celcelinayaa adeegsiga eraybixinta “hantigoosadka gumeysiga /colonial capitalism,” isaga oo uga gol leh in uu nagu baraarujiyo in hadafka hawlgalka gumeystayaashu uu yahay in macaash ama ribix ay ka dhaliyaan dadka iyo deegaannada ay gumeystaan. Danta gumeystuhu u yimid daryeel ma aha ee waa damac faa’iido doon ah -weliba faa’iido xad dhaaf ah oo dhiigmiirasho ku timaadda. Abwaan Hadraawi -Allaha u naxariistee- waa kii lahaa:

Iskuulladu waa dayeyn

Dammiinnimaday dhigaan

Dartay uma soo lug go’in

Duruustu falkay tiqiin

Digtoor cadaway sideen!

Buuggaan “Sheekabaraleyda Muwaadinka Wahsada,” waxaa la daabacay hal sano ka hor intii uusan soo bixin buugga uu qoray Idwaard Saciid ee “Orientalism /اإلستشراق” sannadkii 1978. Hase ahaatee, in la barto oo meelo badan laga ogaado waxaa abaal ku leh Idwaar Saciid qudhiisa oo marar badan ku xusay dhigaalladiisa kala duwan.

Saciid isaga oo buuggaan tilmaamaya waxa uu yiri: “Waa qoraal cajiib ah… Caddaas wuxuu noo soo bandhigayaa dood ka dhan ah macnaha muwaadinka wahsiga badan, ama haddii si kale loo yiraahdo, wuxuu noo soo gudbinayaa dood sharraxaysa sababta reer Yurub ay muddada dheer ugu guulaysteen in ay ku dheggenaadaan sheekoxariirtaan. Runtii, waxa uu caddeeyey sida khuraafaadku ay ku cimriyaan.” Saciid waxa uu intaas sii raaciyey: Doodda Caddaas waa mid xoojinaysa dooddii uu horay u sheegay Erik Wilyamis ee ahayd “Waxaa suurogal ah in dan duug ah, oo musalliftay oo qurmoonkeeda cirka laga dareemayo kolka aragti taariikheed lagu eego, ay yeelato saamayn ba’an oo wax burburisa oo aan la helayn macne la siiyo jeer la ogaado adeeggii weynaa ee ay horay u qabatay iyo xididdada xoogga leh ee ay yeelatay.” (Eric Williams oo Ra’iisu Wasaare ka noqday jasiiradda Tirinidad iyo Tobago, waxa uu leeyahay buug caan ah oo uu ku lafaguray xiriirka ka dhexeeya ‘Hantigoosiga iyo Addoonsiga /Capitalism and Slavery, 1944’).

Caddaas iyo Saciid waxay ka siman yihiin in labaduba ay rumaysnaayeen in aragtiyaha reer Galbeedku ay ka bixiyaan dunida saddexaad ay badidood ku dhisan yihiin been la dhoodhoobay. Labaduba waxay ka xumaayeen sawirka foosha xun ee gumeystayaashu ay ka bixiyeen dadyowgii ay gumeysteen.

Sayid Caddaas qoridda buuggaan waxa uu bilaabay bilowgii lixdamaadkii qarnigii tagay, laakiin waxa uu dardargeliyey kaddib markii ay soo baxeen buug ay qoreen dad Malaysiyaan ah oo dadkooda ku eedaynaya isla eeddii wahsi badnida ee gumeystayaashu ay falkiyeen. Buugtaas waxaa ka mid ah buug cinwaankiisu yahay “Kacaan Maskaxeed /Mental Revolution, 1968” iyo mid kale oo uu qoray Dr. Mahaatiir Maxamed oo loo bixiyey “Dhibaatada Malaayda / The Malay Dilemma,1970.”

Caddaas qoraayaashaan uu ugu magac dheer yahay Mahaatiir Maxamed waxa uu ku eedeeyey in ay leeyihiin wacyi foorara oo runta baalmarsan. Sababta uu arrinkaasi ku dhacayna waxa uu ku sheegay: “In xisbiga xukuma dalka Malaysiya uu talada dalka dagaal la’aan Ingiriiska ugala wareegay. Malaysidu xorriyadda kuma aysan hanan dagaal hubaysan oo ay la galeen gumeystaha sidii ay sameeyeen Indooniisida, Hindida iyo Filibiinidu. Taa awgeedna, ma jirin halabuur aydaloojiyadeed oo la isaga caabbinayo fikradihii gumeysigu uu dadka ku marin habaabinayey.

Taa waxaa dheer, in hoggaanka Malaysiya ay qabteen dadkii la shaqayn jirey gumeysiga iyo macallimiintii dhigi jirey dugsiyadii Ingiriiska oo badankoodu ka soo jeeday qoysas ladan. Waxaa weheliyey tiro yar oo xirfadlayaal ah oo aan xaaladda waxba ka beddeli karin.”

Akhristow waxaa xusid mudan, in Ingiriiskii gumeysan jirey dhulka Malaysiya ay naaxiyeen dabaqaddii dhulgoostayaasha, aalaabana ay iyaga u adeegsadeen in ay ka xigsadaan la dhaqanka maalinlaha ah ee muwaadiniinta. Gumeystaha waxay si joogto ah isu arki jireen dabaqaddaan tirada yar ee dibkanaaxa ah ee isaga iyo dadweynaha u dhaxaysa. Dhulgoostayaashu waxay ahaayeen koox gumeystaha ay dani midaysay).

Xuseen Caddaas si mug leh wuxuu u deedifeeyey wahsiga lagu eedeeyo dadyowga Koonfurbari Aasiya iyo guud ahaan ummadaha la gumeystay. Hor iyo horraan, waxa uu durayaa halbeegga gumeystayaasha reer Yurub ay ku cabbiraan caajisnimada dadyowga ay gumeysteen. Malaysiya halbeegga la adeegsaday waxa uu ahaa: Ma rabtaan in aan idinku shaqaysanno? Haddaba caajisoolayaal baad tihiin. Ma waxaad rabtaan in aad dharaartii bariid beertaan habeenkiina seexataan? Waa hubaal in aad tihiin duul wahsi diloodey.

Qoraagu isaga oo fikradda wahsiga beeninaya waxa uu oranayaa: Qof kasta oo xog ogaal u ah kalluumaysata iyo beeraleyda bariidka beera ee Malaysida ahi si sahlan buu ku garan karaa in eeddaani ay tahay mid aan sal iyo raad lahay oo ay tahay in lala yaabo. Waa maxay wahsiga lagu eedaynayo Malaysiyaanka beeraalaha ah ee beerta ka shaqeeya inta u dhaxaysa qorrax soo baxa iyo gabbal dhaca, iyo jillaabatada waaga oo aan baryin badda gala si iyaga iyo ubadkoodu aysan gaajo ugu dhiman oo keliya?

Muwaadinka wahsiga lagu eedeeyey: “Waxa uu qabtaa shaqo adag, oo saacado badan oo xiriir ah socota, goorta uu shaqada joojiyana hal rabitaan oo keliya ayuu leeyahay, waa in uu nasto, mana uu dalbado wax ka badan in loo oggolaado in uusan waxba qaban. Waa nasashadaan buuxda ee uu qaato midda reer Yurubka koytada ahi ay sida khaldan u fahmaan, kuna bixisa go’aanka aragtida gaaban ku salaysan ee muwaadinka wahsiga badan.”

Gumeystayaashu waxay isbarbardhig ku sameeyeen Malaysida iyo shaqaalihii muruqmaalka ahaa ee ay ka soo daabuleen Shiinaha iyo Hindiya, dabadeedna waxay ku andacoodeen in kuwa danbe ay ka shaqo jecel yihiin kuwa hore ee wahsiga miiran ah. Laakiin, xaqiiqada ay gumeystayaashu iska indhatireen waa in Malaysidu ay joogeen dhulkoodii, noloshoodana ay ku dabbari jireen beer yar oo ay fashaan ama kalluun ay dabtaan, ayna diiddanaaayeen in ay khasab ugu xammaalaan gumeystaha guranaya kheyraadka dhulkooda. Halka Hindida iyo Shiinaha addoon ahaanta degelladoodii looga soo daabulay fursadahaas oo kale aysan heli karin. Taana waxaa u daliil ah in sannado badan ay nolosha Malaysidu ka heer sarraysay midda Hindida iyo Shiinaha shaqaale ahaanta loo keenay. Shaqaalaha Hindida ahi waxay ku noolaayeen nolol aad u liidata, heerka dhimashadooduna aad buu u sarreeyey (=Waxaa mudan in la xusuusnaado in Hindida iyo Shiinayskuba ay deegaannadaan muddo dheer oo kumanyaal sano ah u hijroon jireen, oo ay qayb lixaad leh ka noqdeen bulshooyinka dhulalkaan ku dhaqan).

Caddaas waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in marka taariikhda dib loo raaco la ogaanayo: “In bulshooyinka Filibiinida, Indooniisida iyo Malaysidu ay imaanshihii gumeystayaasha ka hor lahaayeen dabaqad ganacsato ah. Maxaa ku dhacay dabaqaddaas ganacsatada ahayd? Waxaa burburiyey gumeysigii Yurub. Hawsha burburintu waxay bilaabatay bilowgii qarnigii 16-aad markii Boortiqiisku ay carrigaan yimaadeen.”

Sida Caddaas uu caddaynayo gumeysiga ka hor deegaannadaan waxaa ka jirey dekado cammiran, oo dunida badeecado kala duwan u dhoofin jirey kana soo dhoofsan jirey. Dekedaha cammirnaa waxaa ka mid ahaa Malaka, Makasar iyo Maaluku. Waxaa maamuli jirey ganacsato khibrad lahaa oo ay kor ka ilaalin jireen suldaanno karti lihi. Dhulkaanna waxaa lagu farsamayn jirey doomo badaha waaweyn ee dunida isaga goosha. Sidaa darteed, gumeystayaashu ma qabsan ummado cawaan ah, balse ummado ilbaxnimo lahaa bay afka ciidda u dareen.

Caddaas waxa uu ku doodayaa in suldaannadii dhulalkaan ka talin jirey gumeysiga ka hor ay fulin jireen siyaasadihii dhaqaalaha ee uu soo jeediyey aqoonyahankii Muslimka ahaa ee Ibnu Khalduun (1332-1406).

Siyaasadahaas oo ay ugu muhiimsan tahay midda sheegaysa in madaxda dowladda ganacsiga laga fogeeyo, oo ay siyaasadda iyo ganacsiga mid ku ekaadaan. Maxaa yeelay, marka madaxdu ay ganacsiga gasho waxay suuqa ka saaraan ganacsatada, waayo waxay adeegsanayaan awooddii dowladda ee loogu talo galay in dadweynaha oo dhan loogu adeego. Ibnu Khalduun buuggiisa ‘al-Muqadima’ waxa uu ku sheegay in magaca iyo madaxnimadu ay hanti samaynta u wanaagsan yihiin (=الجاه مفيد للمال). Hadalkaan macnihiisu ma aha in madaxdii ka talin jirtey Koonfur Bari Aasiya ay akhriyeen buugta Ibnu Khalduun, laakiin fikradda in madaxnimadu ay maal samaynta u roon tahay waa mid dadka gaardka leh oo idil ay garan karaan. Soomaaliduna waa tan tiraahda: “Waayeel waa ayo? Waa annaga oo aan isyeelyeelayn.”

Weydiimaha qoraagu uu isweydiiyey waxaa ka mid ah weydiin oranaysa: Gumeystayaasha dadyowga ay gumeystaan wahsiga ku eedeeya iyo ummadaha ay gumeysteen midkee baa labadooda wahsi badan???

Wuxuuna qalinka ku adkaynayaa in gumeystuhu ka wahsi badan yahay, kana shaqo neceb yahay la’gumeystaha, isaga oo soo xiganaya aqoonyahankii reer Filibiin ee Jose Risal (1861-1896) -oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen inuu yahay qofkii ugu horreeyey ee dunida la’gumaystay ka soo jeeda oo si qotodheer u dhaliilay aqoonta gumeysiga- ayuu yiri:

“Reer Yurubka dadka ay gumeystaan ku eedeeya in ay caayibiin yihiin (anigu ka hadli maayo Isbaanishka oo keliya, balse waxaa la mid ah Jarmalka iyo Ingiriiska), sidee bay u noolyihiin marka ay joogaan waddamada kulaylaha ah? Waxaa ku hareeraysan adeegayaal badan oo u khidmeeya, marna ma lugeeyaan, laakiin waxbay fuulaan, waxayna u baahan yihiin adeegayaal aan kabaha oo keliya ka siibin balse xitaa babbiya si ay hawo u helaan! Sidaas oo ay tahay waxay ku nool yihiin nolol ka wanaagsan, waxayna cunaan cunto ka fiican, waxayna u shaqeeyaan naftooda si ay hodon u noqdaan, iyaga oo filaya mustaqbal, xorriyad, iyo in la qaddariyo, halka lagumeystaha saboolka ah, iyo lagumeystaha wahsada, uu ka quuto wax aad u liita, uuna ku sugan yahay xaalad rajo beel ah, uuna ku daalo shaqo uu dad kale u qabto oo lagu dirqiyey! Maxay? Waxaa laga yaabaa in caddaanku ay ku jawaabaan in aan loo abuurin in ay ku dhibtoodaan cimilada deegaannada kulaylaha ah.

Khalad! Aadamigu waxa uu ku noolaan karaa cimilo kasta haddii uu naftiisa waafajiyo xaaladda iyo shuruudaha meesha looga baahan yahay, intaas oo keliya ayaa looga baahan yahay. Waxa dilaya dadka reer Yurub marka ay yimaadaan dhulalka kulul waa khamrada ay iska badiyaan, iyo jamashadooda ah in ay dhulalka kulul ugu noolaadaan isla sidii ay ugu noolaayeen dhulkooda iyaga oo jooga cir ka duwan iyo qorrax ka geddisan. Annagu, dadkayaga ku dhaqan waddamada kuleylaha ahi, si wanaagsan ayaan ugu noolaan karnaa Waqooyiga Yurub marka aan yeelanno taxadar la mid ah kan ay sameeyaan dadka dhulkaas ku nooli. Sidaas si la mid ah, Yurubiyaanku si wanaagsan ayay ugu noolaan karaan deegaannada kuleylaha ah haddii ay iska daayaan isla qummanaantooda qaldan.”

Iyada oo kooban, tan iyo taariikh aad u durugsan, gumeystayaashu wax walba oo taban waxay siiyaan cidda ay gumeystaan, wax walba oo toganna iyaga ayaa isa siiya.

Ugu danbayntii, qof ahaan, buuggaan waxaan ogaaday qaybtii danbe ee sagaashanaadka, xilli aan ku gudo jirey diyaarinta teesihii mastarka oo ku saabsanaa mawduuca horumarinta, gaar ahaan horumarinta reer miyiga. Buugga ‘Saboolnimada Sidee Looga Baxaa,’ oo qoriddiisa aan isla xilliyadaas bilaabayna qodobbada aan uga hadlay waxaa ka mid ah fikradda ‘saboolka wahsada’. Sidoo kale, waagaas waxaan akhriyey qaar ka mid ah dhigaallada Sayid Xuseen Caddaas walaalkiis oo lagu magacaabo Sayid Maxamed Naqiib al-Caddaas oo ah aqoonyahan ku takhasusay falsafadda, si weynna ugu ol’oleeya waxa loo yaqaan “Islaaminta Aqoonta /Islamization of Knowledge” ama “Muqaddas Ka Dhigidda Aqoonta /Sacralization of Knowledge,” sida qaar kale ay jecel yihiin in loogu yeero.

Toban sano ka hor mar aan mawduuca islaaminta aqoonta maqaal ka qoray, aqoonyahannadii aan sida gaarka ah u xusay waxaa ka mid ahaa Sayid Maxamed Naqiib Caddaas oo ka mid ah ugaasyada fikraddaan ‘Islaaminta Aqoonta,’sida weyn u faafiyey (=Faahfaahinta ka akhri maqaalka cinwaankiisu yahay: ‘Islaaminta Aqoonta: Qalad Aan Laga Qaangaarin: https://wardheernews.com/islaaminta-aqoonta-qalad-aan... ).

Ayaan darro iyo ayaan wanaag kay ahaataba, waxaa jira qaar ka mid ah qoyska al- Caddaas oo igu raacsan in doodaha ku saabsan waxa loo yaqaan ‘islaaminta aqoonta,’ ‘dhaqaalaha islaamka,’ ‘dowlad islaam ah ama dowlad shareeco islaam lagu dhaqo,’ iyo qaar kale oo badani ay yihiin doodo ma dhalays ah oo caaddifad ku dhisan, cilmina aan shuqul ku lahayn -ama aan iraahdo waa aydaloojiyad maro diimeed loo geliyey. Lama helayo nidaam siyaasadeed iyo nidaam dhaqaale oo diinta islaamku ay si gaar ah ula timid. Islaamku -sida diimaha kale- waxa uu dhiirrigeliyaa qiyamka ay ka midka yihiin caddaaladda iyo sinnaanta, balse marna ma jideyn nidaam dhaqaale, ama mid siyaasadeed, ama mid dhaqan ama mid aqooneed oo go’an. Culumadii hore ee islaamkuna waxay yiraahdeen: “Wixii dantu ku jirto ayaa sharci Alle ah / حيثما وجدت المصلحة فثم شرع هللا”. Wixii ummusha u dan ah, ayaa ilmahana u dan ah!!!

Comments