Siyaasadda iyo Ku Danaysiga Diimaha
“Canbuhu waa geed awood badan oo nafaqo leh. Weligay arrinkaan qofna lama wadaagin marka laga reebo hooyaday. Lammaanayaal muddo tobannaan sano ah ubad raadinayey baa carruur helay kaddib markii ay cuneen canbaha ka baxa beertayda. Miraha beertayda waxaan siiyey dad ka badan 180 laammaane oo ubad doon ahaa, 150 kuwaas ka mid ahina ubad bay dhaleen. Intaas oo keliya ma aha, ee xataa kuwa wiilasha rabaa wiilal bay dhalayaan. Geedahaan canbaha ahi aad bay waxtar ugu leeyihiin kuwa dhalmo la’aanta la dhibban.”
Erayadaan kor ku xusan waxaa ku tiraabay oday Hindi ah oo lagu magacaabo Sambhaji Bhide, oo ka tirsan ururka RSS ee hindinimadu madax martay (=Hindutva). Bide intii uu ku gudo jirey ka hadalka faa’iidooyinka canbaha beertiisa ka baxa, dhowr jeer wuxuu soo xigtay buugta sheekoxariiraha Hindida ee Ramayana iyo Mahabarata.
Odaygaan iyo wadaaddo badan oo ku aragti ahi waxay isweydiiyaan: sidee bay ku dhici kartaa in Hindiya oo leh kutubta diinta ee dunida ugu qaddiimsan, uguna qiimaha badan in ay Yurub iyo meelo kale qawaaniin ka soo qaadato. Waxayna u ol’oleeyaan in Xeerka Maanu dalka dastuur looga dhigo. Maxaa yeelay, dunida laguma arko dhigaal loo dhigo Maanu ama Maanusmirti, isaga oo keliya baana Hindiya badbaadin kara.
Odaygaani wuxuu saaxiib la yahay maalqabeenno iyo siyaasiyiin badan oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha waddankaas ee Narendra Modi. Raggaan badankooduna waa ogyihiin in wararka odaygaani uu sheego ay khuraafaad iyo sheekoxariir yihiin, misna kuma dhacaan in ay beeniyaan khuraafaadkiisa. Waayo waxay ku xisaabtamayaan codadka iyo lacagta dadka taageera odaygaan iyo kuwa ku aragtida ah, oo ah Hinduusta xagjiriinta ah oo tiro muuqata ka ah dadka dalkaas.
Markaan xoogaa dabagalay wararka ku saabsan Hinduustaan xagjiriinta ah, baan waxaan xasuustay sheekadii Khaliifka iyo kabtii Nebiga.
Ku Allahoode, waxay sheegeen in maalin maalmaha ka mid ah, Khaliifkii Cabbaasida ee al-Mahdi oo gole fadhiya uu u soo galay nin u dhiibay kab maro ku duuban, uuna ku
yiri: Muuminiinta Amiirkoodow waxaan kuu hadiyeynayaa kabtii nebiga (scw) ee iga guddoon. Wuxuu yiri: Keen, wuuna u dhiibay, khaliifkiina kabtii buu dhan walba ka dhunkaday, oo madaxa saartay, wuxuuna amar ku bixiyey in toban kun oo dirham la siiyo ninka kabta nebiga keenay.
Kolkii ninkii uu baxay, baa khaliifku dadkii la joogay wuxuu ku yiri: Ma waxay idinla tahay in aanan ogayn in nebigu uusan kabtaan arag, in uu illaday iska daaye? Waan ogahay in uu beenaale yahay, laakiin waxaan doorbiday in aan beentiisa u rumooye, maxaa yeelay haddii aannan sidaas yeelin, dadka ayuu u tagayaa wuxuuna u sheegayaa in uu khaliifka kabtii nebiga u geeyey, khaliifkuna uu ka diiday, falkaas oo marag ma doonto ka dhigaya in Khaliifku uu nebiga neceb yahay. Dadkana inta warkiisa rumaysanaya baa ka badan inta diidaysa.
Sidaas awgeed, baan warkiisa u rumeeyey, hadiyaddiisana u aqbalay, carrabkiisana u iibsaday. Halkii laga oran lahaa khaliifku nebiga ayuu neceb yahay, ha la yiraahdo khaliifku nebiga ayuu jecel yahay. Waxay ila tahay in dantu sidaas ku jirto ( In ra’yul caamka aan laga hor imaan, ee mar walba la is daad raaciyo)!
Waagaan yaraa waxaan maqli jirey wadaaddada dadka wacdiya oo ka hadla waxay ugu yeeraan ‘adduunyo gaddoon’, waxaanna u qaadan jirey in Eebbu uu yahay kan dunida rogaya, kaddib marka uu u adkaysan kari waayo basar xumada bani’aadamka. Hase ahaatee, hadda oo aan gaboobay waxaan yaqiinsaday in Eebbe uusan ahayn midka aadduunyada rogaya, ee cidda adduunyada rogaysaa ay yihiin wadaaddo madaxfalluuq qaba iyo siyaasiyiin danaystayaal ah oo isu cammira. Meel kasta oo dunida ka mid ahna labadaasi way dhooban yihiin.
Dadku waa noole, waxyaabaha noolayaasha kale ka duwana waxaa ka mid ah diinta, laakiin kolka diimaha si xun loo fahmo, si xunna loogu dhaqmo, caqliga iyo garashadana tixgelin la siin waayo, diimuhu dadka waxay ka dhigaan kuwo duunyada ka liita (=إن هم إال كاألنعام بل هم أضل سبيال).

Comments