Soonqaadka iyo Koroonaha

Hor iyo horraan, akhristayaasha sharafta leh iyo guud ahaan Muslimiintu meel walba oo ay dunida ka joogaan waxaan ugu hanbalyaynayaa bilashada bisha Soonqaad ee sheydaanka la qabbiro -inkasta oo sannadkaan dadka oo idil guryaha lagu qabbiray.

Xanuunku Koroonuhu sida uu wax kasta u saameeyey buu raad ugu yeeshay bisha Soonqaadka, isaga oo Muslimiin badan ku khasbay in ay beddelaan qaybo ka mid ah habdhaqankoodii hore ee bilaha soonqaadka. Tusaale ahaan, meelo badan oo dunida ah waxaa la baajiyey salaaddii taraawiixda ee masaajidda lagu oogi jirey, waxaana la joojiyey tegidda meelihii cibaadada iyo barakaysiga loo aadi jirey sida Xaramka iyo mawlacyada la siyaarto. Sidoo kale waxaa la baajiyey martiqaadyadii afurka iyo suxuurta ay dadka badani isugu imaan jireen. Nin Soomaali ah oo aan deeqsinno ku aqaan, oo aan galabta wada hadalnay wuxuu igu yiri: dhowrkii Soonqaad ee la soo dhaafay ma xusuusto maalin aannan rag la afurin, laakiin xalay aniga iyo xaaska ayaa iska soo hor jeesannay.

Dalka Turkiga, waxyaabaha kooban ee Koroonuhu uu saamaynta weyn ku yeelan waayey waxaa ka mid ah dhaqanka suxuur u toosinta. Sidaas oo ay tahay ragga dadka suxuurta u toosiya sannadkaan waxaa lagu xiray saddax shardi oo kala ah; in ay maaskaro afka iyo sanka ku xirtaan, in ay kala dheeraadaan iyo in aysan dadka ka qaadan wax mushqaayad ah -si iyaga iyo dadku aysan isugu dhawaan darteed. Dalkan Turkiga oo dadku ay ku jiraan bandow si fiican loogu hoggaansamo, dadku markii ay maqleen durbaanka suxuur toosiyaha, waxay is tubeen daaqadaha guryaha si ay salaan ugu gacan haatiyaan, sawirna uga qaataan. Maxaa yeelay, suxuur-u-toosiyuhu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dhadhanka gaarka ah u yeela bisha soonqaadka oo muslimiintu meel ay joogaanba ay aad u qaddariyaan.

Dunidii hore ee nalalka, saacadaha iyo tiknoolooyidda casriga ahi aysan jirin, isla markaana waxyaabaha lagu caweeyaa ay yaraayeen, dadku habeenkii horay bay u seexan jireen, waxayna u baahnaayeen cid suxuurta u toosisa.

Sidaana meelo badan oo dunida islaamka ka mid ah waxaa ka bilowday, kana hanaqaaday xirfadda suxuur toosinta, oo carabtu qofka qabta ay ugu yeerto "al- Musaxaraati /المسحراتي", Turkiga iyo meelo kalena looga yaqaan"durbaanlaha ramadaanka" (=Ramazadan davulcu).

Dhaqanka suxuur u toosiyuhu waa mid dunida islaamka badankeeda ku baahsan, laakiin waddamada sida gaarka ah ugu caanbaxay waxaa ka mid ah Masar, Turkiga, iyo dhulka Shaam -Suuriya, Lubnaan, Falastiin. iyo Urdun. Suxuur u toosiyeyaashu aalaaba waxay ka siman yihiin adeegsiga aaladaha muusigga -gaar ahaan durbaanka- iyo qaadista heeso diini ah oo digri iyo wacdi xanbaarsan. Marka la gaaro maalinta ciidda, ragga dadka suxuurta u kiciyaa waxay ku wareegaan guryaha xaafadda ay dadkeeda suxuurta u toosiyaan, dadkuna waxay siiyaan hadba wixii ay u gartaan oo xoolo ah, waxayna isdhaafsadaan hanbalyada ciidda.

Marka laga hadlayo taariikhda dhaqanka suxuur dad u kicinta, waxaa la sheegaa in uu yahay dhaqan la kowsaday diinta islaamka, oo waxaa la tebiyaa in saxaabigii Bilaal bin Rabaax (RC) -oo sida la wada ogyahay ahaa saxaabigii nebigu uu ku qaybiyey aadaanka salaaddu- uu yahay qofkii ugu horreeyey ee qabta hawsha dadka suxuurta loogu toosiyo. Waxaa la wariyey in sebenkii nebiga (scw) bisha Ramadaanka salaadda subax labo jeer la addimi jirey. Aadaanka hore waxaa addimi jirey Bilaab bin Rabaax, danta laga lahaana waxay ahayd in dadka loogu sheego in la gaaray xilligii suxuurta, aadaanka danbana waxaa addimi jirey saxaabigii Cabdullaahi ibnu Ummu Maktuum (RC) oo isagu ahaa nin indhoole ah, wuxuuna ahaa farriin dadka lagula socodsiinayo in waagii beryey oo la gaaray goortii ay afka qabsan lahaayeen, salaadda subaxna la tukan lahaa. Nebigana (scw) waxaa laga wariyey xadiis uu ku yiri: "Bilaal habeennimo ayuu addimaa; ee cuna oo cabba jeer uu ka addimo Ibnu Ummu Maktuum/ إن بالًالًال يؤذن بليل؛ فكلوا واشربوا حتى ينادي ابن أم مكتوم". Raggii xadiiska wariyey, waxay intaa sii raaciyeen: Ibnu Ummu Maktuum wuxuu ahaa nin indho la' oo aan addimin jeer lagu yiraahdo: "Waagii waa beryey! Waagii waa beryey!" Addinka Cabdullaahi waxaa loo bixiyey addinka mamnuucidda (=المنع). Waxaa kaloo waayadaan soo baxay eraybixinnada tan iyo hadda la isticmaalo ee "Waa beriga beenta ah iyo waa beriga runta ah /الفجر الكاذب والفجر الصادق"

Sida buugta Islaamka qaarkood ay qoraan, labada aadaan ee kan Bilaal iyo kan Cabdullaahi waqti aad u yar baa u dhexayn jirey. Arrinkaas oo keeni jirey in Cabdullaahi uu addimo iyada oo dadka qaarkood aysan weli suxuuran. Saxaabada qaarkoodna waxaa laga wariyey in ay Cabdullaahi ku oran jireen: War bal xoogaa noogu kaadi inta aan ka suxuuranayno (= كنا نحتبس ابن أم مكتوم عن األذان، ونقول: كما أنت حتى نتسحر ). Waa war marka lagu sheego afka dhallinyarada noqonaya: Saaxiibow naga qallee inta aan ka suxuuranayno.

Markii la soo gaaray xilligii dowladdii Cabbaasidana, erayada dadka suxuurta loogu toosiyo waxaa lagu daray xadiiska nebiga laga wariyo ee yiraahda: "Suxuurta, suxuurashada barako ayaa ku jirtee /تس ّحروا؛ فإن في السحور بركة".

Hase ahaatee, dhaqanka suxuur-u-toosintu wuxuu xoogaystay xilligii dowladihii Faadumiyiinta iyo Mamaaliiktu ay ka talinayeen dhulka Masar iyo meelo kaleba. Sida la wariyo boqorkii Xaakim Bi'amrilaahi al-Faadumi ayaa wuxuu soo saaray wareegto dadka ku amraysa in ay fiid hore seexdaan, askartana waxaa lagu amray in saacadaha danbe ay dadka suxuurta u kiciyaan. Askartu iyaga oo kooxo-kooxo u socda bay xaafadaha ku wareegi jireen iyaga oo dadka suxuurta u toosinaya. Muddo ka dibna, waxaa abuurmay rag xirfad ka dhigtay in ay dadka suxuurta u toosiyaan, waxayna noqotay xirfad la kala dhaxo, oo wiilashu ay aabbayaashood ka dhaxlaan.

Waxaana xusid mudan, in waayadii hore ninka dadka suxuurta u toosiya uu la socon jirey nin feynuusta u qaada, maxaa yeelay dunidii hore waddooyinku waxay ahaayeen mugdi ciriir ah, ninka suxuurta dadka u toosinayaan iskuma uu dari karin garaacidda durbaanka iyo in uu feynuus gacan ku sito. Dalka Turkiga, waayadaan danbe kaalinkii feynuusta waxaa galay gaari, oo ninka durbaanka tumaya ee dadka toosinaya, waxaa weheliya nin gaariga ku wada. Marka la gaaro maalinta ciidda, ragga dadka suxuurta u kiciyaa waxay ku wareegaan guryaha xaafadda ay dadkeeda suxuurta u toosiyaan, dadkuna waxay siiyaan hadba wixii ay u gartaan oo xoolo ah, waxayna isdhaafsadaan hanbalyada ciidda.

Dalka Turkiga, hawsha suxuur u toosintu ma aha shaqo jaantaa rogan ah, oo ciddii doontaa ay qabato, laakiin waa xirfad ay dowladda hoose maamusho, cidda ay shatiga siiso oo keli ah baana qaban karta. Sanooyinkaan danbana dood bay abuurtaa, oo dadka qaarkood baa waxay ku doodaan in uu yahay dhaqan gaboobay oo dhib mooyee aan wax dheef ah lagu ogayn, waxayna ku baaqaan in la mamnuuco . Waayo, sida ay la tahay maanta dadka oo dhammi waxay haystaan saacado iyo qalab casri ah oo ku baraarujinaya xilliga suxuurta. Halka dadka taageeraa ay ku doodaan in uu yahay dhaqan soo jireen ah, oo xanbaarsan xusuus wadareed bulsho, loona baahan yahay in la ilaaliyo si facyaasha imaan doonaa ay u ogaadaan.

Meelo ka mid ah dalka Indooniisiya diyaaradaha ciidamada ayaa dadka suxuurta u toosiya. Waqtiga suxuurta marka la gaaro waxaa la kiciyaa diyaarado kuwa dagaalka ah oo iyaga oo joog hoose ku duulaya dadka suxuurta u toosiya. Saraakiisha ciidamaduna waxay sheegaan in falkaas labo ulajeeddo laga leeyahay, oo dhan dadka ayaa suxuurta loo toosinayaa, dhanka kalena duuliyeyaasha ayaa tababarkii duullimaadka ee ay maalinnimada qaadan lahaayeen iyaga oo afurran xilligaas qaata, maxaa yeelay waxaa la diidayaa in qof soommani uu diyaarad wado. Waxaa intaa dheer in falkaasi uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya ciidammada iyo shacabka (=PR). Sidaan ognahayna, dhulalka qaarkood, oo ay ku jirto magaalada Maka al-Mukarama, afurka iyo suxuurta madaafiic baa loo ridaa.

Dhanka kale, Turkidu waxay leeyihiin dhaqan kale oo ay ugu yeeraan "Mahya", oo ah in bisha Ramadaanka masaajidda aad loo qurxiyo, mannaaradaha masaajiddana lagu dhejiyo nalal iyo booraar lagu xardhay aayado quraan ah iyo axaadiis. Hase ahaatee, sannadkaan aayadihii quraanka iyo axaadiistii waxaa lagu kordhiyey halhayso wacyigelin ah oo dadka loogu gudbinayo farriimo ku aaddan caabuqa COVID-19. Bilmatal, weeraha masaajidda lagu xardhay waxaa ka mid ah; "Xilkas noqo oo gurigaaga joog", "Caafimaadku wuxuu ku jiraa in gurigaagu uu ku deeqo", "Gurigaaga farxad ku joog" "Aan farxad ku ciidnee kala sikada", "Aan farxad ku ciidnee gurigaaga joog" iyo qaar kale.

Magaalada Kismaayo oo ah meesha aan sida fiican ugu garaadsaday, xaafadda Faannoole, suxuurta dadka waxaa u toosin jirey nin durbaanka ku ladha weero waano iyo kaftan isugu jira. Erayadii kaftan dhablaha ahaa ee uu adeegsan jirey waxaan ka xusuustaa: "Suxuur! Suxuur! Suxuur! Toosa! Toosa! Kala kaca! Kala kaca!"

Waxay ahaayeen erayo dadka waaweyni, siiba dumarku ay ku maadsadaan, oo dumarku marka sheekadu la gasho suxuurta, iyaga oo yaxyax afka sacabka la saaraya, laakiin ay muuqato in ay erayada u khushuucayaan, baa middood waxay isweydiin jirtay: Ina adeer muxuu yiri? Iyada oo aan cid kale jawaab ka suginna waxay isugu jawaabaysaa: "Toosa! Kala kaca! Belo kaa kacday!" Kolkaasaa kuwa kalena qosol meel fog ka soo go'ay ugu cammiri jireen. Bisha Soonqaad oo dhanna sidaas bay ugu maadsan jireen.

Cabdow berisamaadkii

Marka sheeko baraleey

Kaftan laysla beegsado

Ma baraarugtaayoo

Boholyow ma ooydaa?! (Khadro Daahir Cige, Beer jacayl).

Wuxuu ahaa nin aad u yaqaan xaafadda iyo dadka deggen. Mararka qaarkood, wuxuu oran jirey "Xaaji hebelow ka kac", "Xaajiyo hebloy suxuur" iyo erayo kale oo la mid ah. Habeennada caddada ah ee dayaxu uu muuqdana waxaa ku biiri jirey carruur u cammirta. Waxaan ka baqayaa in dhaqankaasi uu hadda Soomaaliya gabaabsi ku yahay, waaba haddii uu jiree.

Comments