Ubadkayga jaamacadda, ubadkoodana jihaadka
Buuggii iigu horreeyey ee noloshayda aan lacag kala baxo wuxuu ahaa buugga cinwaankiisu yahay "Xukuumadda Islaamka /الحكومة اإلسالمية" ee uu qoray Abul Acla Mawduudi (1903-1979). Waxaan ka iibsaday maktabad yar oo ku tiil magaalada Kismaayo, abbaaraha dabshidkii 1979. Haddaan xusuustu i khatalinna waxaan ka bixiyey 10 shilin, oo maalintaas agtayda lacag badan ka ahayd. Waxaan qiyaasayaa in buuggu uu si khaldan maktabadda ku soo galay, waayo goor danbe waxaan ogaaday in uusan ka mid ahayn nooca buugagta caadi ahaan maktabadda lagu iibiyo. Macaamiisha maktabaddu waxay u badnaayeen wadaaddadii xerta ahaa ee masaajidda magaalada kutubta ka raacan jirey, buugta ay iibisadaanna waxay isugu jireen tafaasiirta quraanka, fiqiga shaaficiyada, naxwaha afka carabiga iyo culuumta kale ee soo raacda.
Ulajeeddada aan buugga u iibsaday ma ahayn xiiso aan u qabay afkaarta buugga ku qoran ama aqoon aan u lahaa qoraaga, waayo labadaba maalinkaas baa iigu horraysay, laakiin sababtu waxay ahayd aniga oo danaynayey in aan helo wax aan akhriyo, buuggaasina wuxuu ahaa midka keliya ee indhahayga soo jiitay, isla markaana dhaqaale ahaan aan awooday in aan iibsado. Malaha taa waxaa soo raaci kara, in aan ahaa arday iskuul dhigta, ardayda iskuullada dhigta iyo kutubta baalasha jaallaha ah leh ee matniga, xaashiyada iyo hawaamishta isugu jirta ee maktabadda lagu iibin jireyna iskuma ay sal bannaanayn, oo had iyo goor dareen didmo baa ka dhexeeya.
Midda kale, afka carabiga ee buuggu ku qornaa ma ahayn mid xilligaas aan si wanaagsan u fahmi jirey, laakiin xiisaha aan akhriska u hayey iyo aniga oo aan markaas heli karin wax kale oo aan akhriyo baa ii sahlay in buugga aan eray eray isu dul taago. Waana iyada la yiraahdo "Gaajada ayaa ah iidaanka ugu wanaagsan /Hunger is the best sauce or appetizer."
Keligay ma akhrin buugta Mawduudi ee xukunka ka hadla, balse waxaa akhriyey boqollaal kun ama xataa malaayiin ka mid ah dhallinyarada dunida Islaamka.
Ururrada Islaamka siyaasiga ah ee isugu yeera magaca "Baraarugga Islaamka / الصحوة اإلسالمية", tiirka ugu weyn ee afkaartoodu ay ku qotontaa waa fikradda ama halkudhegga loo yaqaan "al-Xaakimiyah /الحاكمية" . Waa fikrad soo jireen ah oo tan iyo sabankii saxaabada dunida islaamka ka jirtey. Waa isla halkudheggii ay adeegsadeen Khawaarijtii Cali bin Abii Daalib ka fallaagoobay ee ahaa "Eebbe oo qura ayaa xukunku u sugnaaday /ال حكم إال هلل", Calina uu uga jawaabay: "Waa eray run ah oo dan silloon laga leeyahay /كلمة حق أريد بها باطل".
Sidaas oo ay tahay, in fikraddu ay casrigaan xoogaysato waxaa loo aaneeyaa afkaartii labadii nin ee kala ahaa; Abul Aclaa Mawduudi (1903-1979) iyo Sayid Qudbi (1906- 1966). Adeegsiga halkudhegga waxaa ku horreeyey Mawduudi oo ka duulayey loollankii ka dhexeeyey Muslimiinta iyo Hinduusta dalka Hindiya ka hor intii aan Bakistaan ka go'in Hindiya oo aysan noqon dal iskii u madax bannaan. Hayeeshee, fikradda waxaa aad u shaac-bixiyey dhigaallada Sayid Qudub oo uu ugu horreeyo buuggiisa lagu magacaabo 'Astaamaha waddada /Milestone/معالم في الطريق’.
Mawduudi wuxuu ku caanbaxay fikradda 'xaakimiyadda' oo laga wado in Eebbe oo keli ahi uu leeyahay talada iyo awoodda sare, Muslimiinta oo idilna laga doonayo in arrimahooda oo dhan -siiba ummuuraha siyaasadda- ay Alle uga danbeeyaan. Waa fikrad lagu andacoodo in Alle iyo diintiisa loogu danaynayo, laakiin dhab ahaantii natiijada ka dhalanaysaa ay tahay in la helo dowlad diini ah oo wadaaddo ay magaca Alle wax ku xukumaan (=Theocracy).
Waxaana la wada ogyahay, in dimiqoraadiyaddu ay tahay astaanta casrigaan lagu garto, oo maanta shucuubta adduunka oo idil waxay u hanqal taagayaan maamullo dimoqoraadi ah. Dimoqoraadiyaddana waxaa asal u ah in shacabku uu yahay kan awoodda iska leh, oo qeexidda ugu fudud ee dimoqoraadiyadda la siiyaa waa in "Dadku ay dadka xukumaan iyada oo danta dadka la xeerinayo /Government of the people, by the people, for the people."
Dimoqoraadiyadda nuxurkeedu waa in la helo dal ay ku dhaqan yihiin dad muwaadiniin ah oo xuquuqda iyo waajibaadka u siman, dowladduna ay dhexdhexaad ka tahay afkaarta iyo diimaha ay dadku kala haystaan, oo aysan diin mid kale ka faddalin, muwaadiniinta oo dhanna ay u dammaano qaaddo xorriyadda diinta iyo caqiidada.
Mawduudi iyo Sayid Qudbi waxay iska indho tireen xaqiiqada ah in dowladaha aan diin keliya lagu dhisin. Dunida waxaa ka jira labo dal oo diin lagu dhisay, oo kala ah Bakistaan iyo Israa'iil, labadooda middoodna ma laha wanaag looga daydo oo dowladnimada ku saabsan.
Yeelkadeede, sababta aan hadda arrinkaan la soo xasuustay waa waraysi aan goordhaweyd akhriyey. Waraysigaan oo dhowr sano ka hor la qaaday, laakiin aniga ay hadda iigu horrayso waxaa la la yeeshay nin uu dhalay Abul Aclaa Mawduudi oo lagu magacaabo Faaruuq Mawduudi. Faaruuq waraysiga wuxuu ku sheegay in aabbihiis uusan marna isaga iyo walaalihiis u oggolaan in ay akhriyaan buugtiisa ama ay ka mid noqdaan ururka kooxda Islaamka [=aljamaaca al-Islaamiya) ee isagu uu aasaasay iyo ururrada kale ee diiniga ah. Faaruuq oo qodobkaan ka faalloonayaa wuxuu yiri: "Haddii ay dhacdo in aabbeheen uu na arko annaga oo ka qayb-galayna isu soo bax ama mudaaharaad, marka uu guriga yimaado ayuu noo yeeri jirey, wuxuuna nagu oran jirey 'Maxay tahay danta idiinku jirta in aad halkaas tagtaan'. Si buuxda ayuu ummuurahaas oo dhan nooga fogayn jirey." Faaruuq wuxuu intaas sii raaciyey: "Tani waa musiibo ay ku dhaqmaan dhammaan wadaaddadeenna siyaasadda daneeyaa, waa in aan isticmaalno carruurta dadka kale, laakiin kuwayaga aan ka ilaalinno, maxaa yeelay dhammaanteen waxaan ognahay saamaynta xun ee arrinkaasi uu leeyahay."
Mar wax laga weydiiyey sababta aabbihiis ku bixisay in uu ilmihiisa ka ilaaliyo in ay wax ka ogaadaan aragtidisa siyaasadeed, Faaruuq wuxuu ku jawaabay: "Qofka shukaanta hayaa si fiican buu u ogyahay waxa gudaha ka socda /The person who is at the helm knows about its inside well."
Sidoo kale, Faaruuq wuxuu ka hadlay qodob aan horay uga maqlay oo ah in uu ku baaqo in siyaasadda iyo diinta la kala dheereeyo. Waayo diinta iyo siyaasaddu waa labo shey oo aan shaqo isku lahayn.
Diini waa xiriir ka dhexeeya ruuxa iyo ilaahiis, siyaasadina waa heshiis bulsho. Nusuusta diintana laga heli maayo hal nas oo erayga 'xukun' siyaasad ama maamul dowladeed loo adeegsaday.
Sanooyinkaan danbe, ee falalka argagixisadu ay faraha ka baxeen, wadaaddada saxwada waxaa si joogto ah loogu eedeeyaa in ay ilmahooda u diraan jaamacada dunida kuwa ugu sarreeya, laakiin ilmaha masaakiinta ay ugu baaqaan in ay ka qayb- qaataan waxay ugu yeeraan jihaad, iyaga oo ku damac gelinaya janno iyo xuuruceyn. Waxaa la sheegaa in wadaaddadu ay Alle iyo jannada jecel yihiin, laakiin geerida ay ka baqaan.

Comments