Tallaal ma isu noqonnaa?

Sida khubaro iyo saynisyahanno badani ay sheegeen, in feyraska Koroonaha tallaal loo helaa waxay qaadanaysaa waqti dheer oo sannad ka badan. Maxaa yeelay, hubinta heerka isku hallaynta tallaalku waxay u baahan tahay in la helo kasho ku filan in tallaalka sheybaarka lagu tijaabiyo, dabadeedna lagu tijaabiyo noolayaal aan dad ahayn, dabadeedna lagu tijaabiyo dad mutadawaciin ah, marka tillaabooyinkaas oo dhan ay guulaystaanna la fasaxo in dadka la siiyo, shirkadaha daawooyinka sameeyaana ay bilaabaan soo saaridda tallaalka. Maraaxishaas kala duwan oo mid kastaa ay waqti qaadanayso waxay keenayaan in helidda tallaalka Koroonuhu ay waqti dheer qaadato. Xataa haddii tallaal la helo, Soomaaliya waxay ka mid noqonaysaa waddamada ugu danbeeya ee dadkoodu ay tallaalka helayaan, waayo bilowga hore tallaalka waxaa ka faa'iideysanaya dadyowga jeebkoodu qoyan yahay ee awooda in ay iibsadaan. Taa macnaheedu waxa weeye in loo baahan yahay daawooyin iyo xeelado kale oo lagula tacaalo Koroonaha ka hor inta laga helayo tallaalka.

Marka laga yimaado faraxalka iyo kala sikashada, had iyo goor bulshadu waxay leedahay xeelado kale oo ay uga guulaysato cudurrada safmarka ah iyo guud ahaan musiibooyinka. Xeeladaha kale waxaa ka mid ah midnimada bulshada iyo isku duubnida ka dhaxaysa xubnaheed. Isku duubnidu waa tallaal lamahuraan u ah la dagaallanka xanuunnada faafa iyo halis kasta oo bulshada soo food saarta.

Baahida loo qabo midnimada iyo iskaashigu waxay sii xoogaysatay casriga hadda lagu jiro, oo ah casri bulsho baaraha Jarmalka ah ee Ulrich Beck uu u bixiyey casriga "Bulshada Halista ah /Risk Society." Ulrich saddon dabshid ka hor buu wuxuu ku dooday in bulshada casriga ahi ay wajahayso khataro cusub oo aan horay loo arag. Aadanaha cusubi wuxuu wajahayaa khataro caalami ah, oo badanaa qarsoon, si fududna aan lagu ogaan karin. Khatarahaasi waa kuwo aan qof, qoys iyo qaran midkoodna si gaar ah wax uga qaban karin ee u baahan in aadanaha oo idil, shucuub iyo dowladaba ay iska kaashadaan. Khatarahaas oo badankooda ay dadku gacantooda ku abuuraan, waxaa tusaale u noqon kara isbeddelka cimilada iyo feyraska Koroonaha.

Dhibaatadu waxay soo saartaa dabciga runta ah ee qofka, samaan iyo xumaan labadaba. Dhibaatadu waxay soo saartaa xumaheenna sida; baqdinta, carada, damaca iyo nafjeclaysiga. Laakiin qofku waxa uu haysto waxaa ugu qaalisan dadnimadiisa laga dheehdo daacadnimadiisa, deeqsinimadiisa, gacaladiisa iyo naf-huriddiisa. Marka ay meel dhibaato ka dhacdo waxaa la arkaa dad isku hawlaya in dhibaatada dadka gaartay ay uga faa'iideystaan danahooda gaarka ah, dhaqaale iyo siyaasadba. Laakiin, dhanka kale waxaa jira halyeeyo -aalaaba qarsoon- oo wax badan u hura samatabixinta kuwa dhibban. Dadkaas badankoodu ma aha kuwo hodon ama caan ah, waxay la mid yihiin adiga iyo aniga. Waana kuwaas kuwa loo baahan yahay in aan ku dayanno, oo aan wax ka baranno.

Koroonuhu waa in uu soomaalida xasuusiyaa sanooyinkii dabayaaqadii 1980-aadka iyo bilowgii 1990-kaadka, xilliyadii dagaallada sokeeye ay dalka ka holcayeen, maalmihii ruux kasta oo aad taqiin ay saameeyeen colaadda iyo burburka nidaamkii dowladnimo. Ma garanaysaa sabab keentay in ilaa heer laga soo kabto burburkaas oo aan ka ahayn tayada dadka iyo iscaawintooda?

Subax ka mid ah sannadkii 1993, aniga oo safar ku maraya magaalada Nageyle Booran ee Itoobiya, ayaan waxaan iska soo hor baxnay wiil aan mar isku fasal ahaan jirney. Salaan ka dib, waxaan weydiiyey waxa uu Nageyle ka qabanayo? Wuxuu igu yiri: gabar aan Xamar deris ku ahayn oo hadda Yurub ku nool, lacag ay hooyaday u soo dirtay baan ka soo raadiyey. Dhacdadaas iyo kuwo badan oo la mid ah oo i soo maray, waxay i dareensiiyaan sida bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaan aadanuhu ay isugu tiirsan yihiin (=subaxaas isma lahayn Nageyle cid aad taqaan baad ku arkaysaa, oo Nageyle dhul aan horay u aqiin ma aysan ahayn. Dhanka kalena, in gabadhu ay xilligaas deriskeeda xasuusato wax weyn bay ii ahayd. Soomaaliya dagaallada sokeeye ka hor deriska badankoodu si fiican bay isu yaqaanneen, taana waxaa ka qayb qaadan jirey in dumarka deriska ahi ay cusbada, dabka iyo dhuxusha kala qaadan jireen. Munaasabadaha allebariga iyo xafladahana deriska ayaa la casumi jirey ka hor inta aan qaraabada la casumin -ugu yaraan dhaqanka reer Kismaayo sidaas buu u badnaa).

Dabeecadda noolaha bay ka mid tahay in kolka ay khatari timaaddo uu qofku mudnaanta koowaad siiyo sidii uu ku badbaadin lahaa naftiisa iyo tan qoyskiisa.

Laakiin haddii habdhaqankaasi uu bulshada ku baaho, oo naf tooxsigu (=individualism) uu bulshada ku xididaysto, ugu danbaynta waxaa dhacda in doontu ay bulshada la wada degto. Waxaana la aamminsan yahay in fursadda dadka iskaashadaa ay dhibaatooyinka uga badbaadi karaan ay ka badan tahay tan kuwa wax kala booba.

Kolkii magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha loo xiray fayraska Koroonaha darti, dadkii magaalada deggenaa waxay bilaabeen in ay furaan daaqadaha guryahooda, oo ay ku qayliyaan farriimo dhiirigelin iyo niyad dhis ah oo ay dariskooda la wadaagayeen. Farrimaha dadku isu tebinayeen waxaa ka mid ahaa: "Wuhan jiā yóu /Wuhan ha is dhiibin", "Wuhaan waad ka baxaysaa dhibka." 11 malyan oo ruux oo magaalada deggen baa eraydaas ku qaylinayey. Falkaasi wuxuu keenay in dad deris ahaa oo aan horay isu aqoon ay isbarteen, kuwo aan xiriir lahaynna ay xiriir yeesheen. Haweenay dadka magaalada ka mid ah oo arrinkaan faallo ka bixisayna waxay qortay: Koroonuhu "wuxuu na baray in aan wax kala qaadanno, karantiinkaan darti baan isugu xirmannay oo qaarkeen ay qaarka kale ugu caawiyeen si aannan horay marna ugu arag muddada sagaalka sano ah ee aan halkaan ku noolaa." Alle mahaddi, waxyaabaha soomaalidu ay ku faanto waxaa ugu horreeya wax wada cunka. Badanaa inta jeer ee dad ajanebi ahi ay la yaabeen soomaali makhaayad wax ka cunay ama ka cabbay, oo isku haysta aniga ayaa bixinaya iyo mayee aniga ayaa bixinayaa. Deeqsinnimadaas maanta ayaa kalkeedii galay, oo waa halkii laga yiri: "Loogow looba joogee!"

Dalka Talyaaniga inta u dhaxaysa Milaano iyo Siisili dadku balakoonka guryahooda bay muusig iyo heeso waddani ah la istaageen, iyaga oo niyadda isugu dhisaya. Carruurtuna waxay derbiyada ku qoreen halkudheg oranaya: "Wax walba waa hagaagayaan /Andrà tutto bene!". Dhaqankaas oo ummado badani ay uga daydeen. Sidoo kale, dalka Isbeyn kolkii ra'iisuwaasaaruhu uu ku dhawaaqay in bandow buuxa la soo rogayo, uuna bogaadiyey kaalinka bahda caafimaadka, dadkii waddanka oo dhammi waxay bilaabeen in ay daaqadaha furtaan iyaga oo u sacbinaya bahda caafimaadka, kuna qaylinaya "Bahda caafimaadku ha noolaadeen /Viva los medicos." Falkaas oo iyagana waddamo kale ay uga daydeen.

Tusaale ahaan, Turkidu fagtii hore ee faafidda feyraska waxay sameeyeen wax loogu yeeray habeennada u sacbinta bahda caafimaadka. Waxay ahaayeen saddex habeen oo dadka oo dhammi iyaga oo daaqadaha iyo balakoonnada guryahooda taagan ay isku ilbiriqsi bilaabayeen daqiiqado sacbin ah. Wuxuu ahaa sacab isku mar ka dhacayey aqalka madaxtooyada ee Ankara iyo xaafadaha saboolka ee Istanbuul.

Gabay, hees, muusig iyo sacab keli ahi arrinku kuma uusan koobnayn -waayo, meel hoo u baahan hadal wax kama taro- balse dalalkaas iyo kuwo kaleba, heesaha iyo sacabka waxaa weheliyey waxqabad iyo gurmad dadka baahan loo fidinayey. Waddan walba bahda caafimaadka ayaa naftooda khatar u gelinaya si ay u badbaadiyaan bukaanka. Meel kasta waxaa ka jira dad sabool iyo maalqabeen isugu jira oo tabarucaad bixinaya -maaddi iyo macnawiba.

Bandowga, cidlada, guryaha lagu xabbisan yahay iyo kala sikashadu dadka oo dhan bay heerar kala duwan u saamaynayaan. Sidaas oo ay tahay, qaybo gaar ah oo bulshada ka mid ah bay si gaar ah u sii saamaynayaan. Dadka ay sida gaarka ah u saamaynayaan waxaa ugu horreeya dadka muruq-maalka ah ee dhaqaalaha qaybtiisa dadban ka shaqeeya (=informal sector), noloshooduna ay ku tiirsan tahay wixii maalintaas soo gala iyo guud ahaan dadka aan heli karin fursad ay gurigooda gudihiisa uga shaqeeyaan, isla markaana aan haysan fasax mushaar leh. Waa dadka u nool sida shinbiraha, ee subaxdii kallaha si ay xooggooda iyo xeeshooda u soo iibiyaan.

Xukuumadaha iyo maamullada wanaagsani waxay yarayn karaan dhibka gaara bulshada xilliga musiibooyinka. Siyaabaha ay ku yarayn karaanna waa iyaga oo bulshada si cad ugu qeexa dhibka taagan iyo iyaga oo kordhiya taageerada ay u fidinayaan. Waqtigaan dhibku jiro waa in dowladda dhexe iyo maamulladu ay gurmad sameeyaan, kheyraadka la heli karana ay bulshada ugu qaybiyaan si wanaagsan oo caddaalad, hufnaan iyo beekhaamin leh.

Habeen dhaweyd baan waxaan daawaday kulan Cabdi Good uu la qaatay saddexda abwaan ee Yuusuf Shaacir, Sooraan iyo Jawaan. Saddexduba waxay sheegeen in ay ka mid ahaayeen dadkii soomaaliyeed ee abaartii dabodheer ee 1974 dib-u-dejinta loogu sameeyey gobollada Koonfurta.

Daqiiqadihii aan waraysigaas dhegaysanayey, waxay ahaayeen kuwo xiiso leh, ina xasuusiyey waxtarka dowladnimada. Run ahaantii, marar badan baan arkay ama maqlay dad bulshada waxtar u leh sida; dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, fannaaniin, injineerro, macallimiin, wadaaddo iyo qaar kale oo ka mid ahaa dadkii waagaas dib-u-dejinta loo sameeyey. Laakiin waxaa xiiso gaar ah ii lahaa in saddex abwaan oo keligood meel ku kulmay ay saddexduba isku xaalad u soo joogeen. Imisa dhakhtar, imisa kalkaaliso, imisa macallin, imisa injeer, imisa ganacsade, imisa sarkaal ciidan, imisa dhaqaale yahan, imisa wadaad iyo imisa siyaasi oo carruurtii iyo dhallinyaradii waagaas ka mid ah baa maanta bulshada soomaaliyeed hoggaan iyo indho u ah?

Xaaladda adag ee lagu jiraa waxay u baahan tahay in faataxada ficil la raaciyo, oo kaalinka dowladda dhexe iyo maamulladu uusan ku koobnaan "Gacmaha mayrta oo guryaha jooga." Waa in bandowga iyo farriimaha wacyigelinta lagu daraa hoo iyo waxqabad muuqda. Madaxda iyo shaqaalaha dowladdu xil kasta oo ay hayaan, waa in ay qanaaco iska raadiyaan, oo danta gaarka ah midda guud laga horraysiiyaa.

Xilligaan lagu jiro bisha soonqaadna, waa waqtiyada dadka Muslimiinta ahi ay ugu sadaqo iyo samafal badan yihiin, waana in si wanaagsan looga faa'iideysto munaasabadda oo bulshada inteeda jeebka nugul loo xil qabaa. Waana in dib loo eegaa qaabka iyo waqtiga ugu habboon ee sadaqada iyo samafalka la bixinayo. Tusaale ahaan, sida la ogyahay dadka badankiisu dhammaadka bisha soonqaad waxay bixiyaan sakaatu fidriga (=sakada afurka /زكاة الفطر). Su'aal meesha ku jirtaana waxay tahay sakada afurka ma lagu bixin karaa lacag -halka hadda dadka badankoodu ay raashinka ka bixiyaan? Waa hubaal in sakadaasi marka lacagta lagu bixiyo ay ka waxtar badan tahay marka raashinka lagu bixiyo. Maxaa yeelay, qofka lacagta la siiyaa wuxuu ku iibsan karaa hadba walaxda ama adeegga uu u baahan yahay.

Midda kale, waxaa jira dad sabab caafimaad darteed aan la soomi karin. Dadkaasina waxay bixiyaan xoolo fidyo ah. Waxaana laga doodaa goorta ay tahay in ruuxu uu bixiyo fidyada, waxaana jira labo aragtiyood oo culumadu ay u badan yihiin.

Culumada qaarkood waxay qabaan in waqtiga bixinta fidyadu ay tahay dhammaadka bisha soonqaad, oo fidyada soddonka casho ee soonka isku mar la bixinayo dhammaadka bisha. Qaar kale oo culumada ka mid ahina waxay qabaan in maalin kasta la bixinayo fidyada qofka maalinkaas ku waajibtay. Laakiin weydiinta meesha taallaa waxay tahay: xaaladda hadda lagu jiro ee dadka badani ay shaqo la'aanta yihiin, lana saadaalinayo in heerka saboolnimada iyo gaajadu ay kordhayaan, suurogal ma tahay in fidyada duuduub ahaan loo bixiyo bilowga bisha, si dadka la siinayo culayska looga yareeyo, loogana caawiyo in ay deyn qaataan ama ay wax baryaan?

Docda kale, waxaa foodda nagu soo haya xilligii la gudan jirey waajibka xajka, walow ay muuqato in dad badani aysan sannadkaan fursad u helayn gudashada xajka. Weydiin meesha ku jirtaana waxay tahay: gudashada xajka iyo haqabtiridda baahida bulshada midkee baa maanta mudnaanta leh?

Xajku waa waajib ku xiran in la awoodo, gudashadiisuna waxay u baahan tahay dhaqaale xoog leh oo isugu jira kharashka xajka qudhiisu uu u baahan yahay iyo qayb kale oo ku baxda hadiyadaha tirada badan ee xujeydu ay qaaddo. Waa hubanti in haddii dadka xajka qorshaystay ay dhaqaalahaas u weeciyaan qoysaska uu Koroonuhu dhibka u geystay iyo saboolka waxhayntoodu ay yar tahay uu waxtar weyn yeelanayo.

Ma ahi wadaad fatwo bixinaya, laakiin waxaan qabaa in nuxurka diintu uu yahay raxmad, ayna tahay in ay u adeegto danta dadka, shareecaduna aysan farin wax caqliga aadanuhu uusan fahmi karin. Sidaa awgeed, soomaalida xajka isu diyaariyey iyo weliba kuwii cumrada ka baaqday, waxaan kula talinayaa in dhaqaalihii ay u qoondeeyeen cumrada iyo xajka ay siiyaan masaakiinta u baahan, una niyeysteen cumro iyo xaj laga aqblay. Eebbana qofka niyaddiisa waa ogyahay.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in maalin maalmaha ka mid ah wadaad suufi ahaa oo ka tirsanaa dariiqada Bektashida -oo ka mid ah duruqda suufiyada ee dunida ka jira, gaar ahaan dalalka Turkiga, Albaaniya, Bulgaariya, Ruushka iyo Ciraaq- oo masaajid ku tukanayaa uu maqlay ninkii imaamka ahaa oo ku ducaysanaya: "Ilaahow iimaan baan ku weydiistay", markaasaa isaguna wuxuu ku allebaryey: "Eebbow waxaan ku weydiistay khamro badan oo aan ka dhergo.

"Kolkii salaaddii laga baxay ayaa imaamkii oo caraysani wuxuu ku canaantay anshax xumada uu Eebbe kula hadlay, ee uu salaadda dhexdeeda ugu weydiistay walaxda xaaraanta ah ee lagu danbaabayo. Wadaadkii suufiga ahaa isaga oo aan caroon buu wuxuu ugu warceliyey: "Shiikhow Eebbe wuxuu yiri: 'I weydiisa aan idinka yeelee', qof kastaana Eebbe wuxuu weydiistaa waxa ka maqan ee uu tabayo, adiga iimaan baa kaa maqan, anigana khamro ayaa iga maqan."

Mar walba oo muddada faafidda feyrasku ay dheeraato, dhaawaca dhinacyada badan ee uu geysanayaa way kordhaysaa. Dhaqaale iyo nafsad ahaanna lama awoodo in muddo dheer karantiil iyo kala fogaan lagu jiro. Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in la qaado tillaabooyin gacan furnaan iyo gunti-isku-dhuujin isugu jira. Dowladda, maamullada iyo maalqabeenka waxaa la gudboon in ay la yimaadaan wax qabad dheeri ah oo bulshada culayska xanuunka looga yaraynayo.Dadweynahana waxaa laga doonayaa dulqaad iyo gunti-isku-dhuujin, iyo in deriska iyo qaraabadu ay isu gurmadaan.

Feyraska gacmo wada jira baa looga guulaysan karaa. Xadiis ka mid ah axaadiista nebiga laga wariyo kuwa aan ugu jeclahay baa wuxuu oranayaa: "Ashcariyiintu [=beel magaceed] haddii ay duullaan ku saboolaan ama magaalada uu ku yaraado raashinka carruurtoodu, hal maro bay isugu geeyaan wixii ay hastaan, dabadeedna si is le'eg bay hal weel ugu qaybsadaan, aniga ayay iga mid yihiin aniguna iyaga ayaan ka mid ahay / إن األشعريين إذا أرملوا في الغزو أو قل طعام عيالهم بالمدينة جمعوا ما كان عندهم في ثوب واحد ثم اقتسموه بينهم في إناء واحد بالسوية فهم مني وأنا منهم". Soomaaliduna waxay oran jireen: Afar walaal oo martisoor wadaaga hal neef/wan baa ka baxa, afar aan martisoor lahaynna afar neef baa ka baxa.

Intii aan ku mashquuli lahayn aragtiyaha mu'aamarada oo nafci la sheego aan nagu kordhinayn, aan aaminno cilmiga, una midowno feyraska, xukuumadda iyo maamulladana ha lagu khasbo in ay la yimaadaan qorshayaal cilmiyeysan -caafimaad, dhaqaale, bulsho- oo ku aaddan sidii xanuunka looga guulaysan lahaa.

Comments