Jun 2, 2017
Sidee baan Wahaabi ku noqday?
Inkasta oo dhab ahaantii aanan xasuusanin waxa maskaxdeydii dhalinyaranimada dhex dabaalaneysay ku keenay in ay hal mar dhan aanay waligeed u janjeerin u jeesato, haddana waxaan si fiican u xasuustaa duruufihii baraarugaas ku heeraaraysnaa. Horta, inta aanan sheekada idiin galin, bal aan hordhac yar
