Tijaabada Wahaabiyada (Salafiyada)
Tan iyo markii la riday dawladdii Cusmaanidii Turkiya, waxaa dunida Islaamka ka curtay urur diimeedyo siyaasadeed oo fara badan, oo aragtiyo iyo madaahib kala duwan xanbaarsan. Waxayna dhammaantood tiigsanayeen inay yagleelaan dawlad Islaami ah oo balaaran sida tii Cusmaaniyiinta. Waxaa xusid mudan, ayna tahay in la bidhaamiyo in markii horaba qaar ururradaas ka mid ahi ay ka qayb qaateen dumintii dawladdii Cusmaanida. Sannadku markuu ahaa 1703dii ayuu dhashay aabbaha iyo aasaasaha urur diimeedka loogu magac daray ‘Alwahaabiya’. Wadaaddkaas oo lagu magacaabi jiray Shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab1 wuxuu ku dhashay tuulo la yiraahdo ‘Al-cuyayna’ ee dhulkii loo yiqiin ‘Al-Najdi’ oo hadda ka tirsan dalka Sacuudi Carabiya. Wadaadku wuxuu ka dhashay qabiil weyn oo la yiraahdo Banuu Tamiim.2 Wadaadku wuxuu saaxiib dhow la ahaa gaashaanbuurna la sameystay nin la oran jiray Maxammad bin Sacuud oo ah awoowaha qoyska haatan talada dalka Sacuudiga haya ee reer Aala-Sacuud.3 Labadaan nin waxay ku heshiiyeen in shiikh Maxammad bin Cabdulwahaab iyo raaskiisa Aala-shiikh ay madax ka noqdaan wixii ku saabsan arrimaha diinta, Maxamed bin Sacuud iyo qoyskiisuna ay masuul ka noqdaan arrimaha siyaasadda. Dawladdii Cusmaaniyiinta oo xiligaas ka talinaysay dhulkaasna lala dagaallamo oo Najdi oo dhan laga xoreeyo. Sannadku markuu ahaa 1744kii ayay labadaas nin u suurtogashay inay yagleelaan maamulkii ugu horreeyay ee Sacuudiga, waxayna u bixiyeen isu-tagga Dirciyah oo aheyd gobol.4
Intaa kadib, Sh Maxammaed bin Cabdulwahhaab oo marakan miciyeystay wuxuu guda galay inuu la dagaallamo cid alaale iyo ciddii ka aragti duwan – isagoo u cuskanaya in ciddaan manhajkiisa heysan ay yihiin mushrikiin gaalo ah, dhiiggooda iyo maalkooduna uu xalaal yahay.5 Wadaadku isagoo garab ka helaya dawladdii Sacuudiga ee uu wax ka yagleelay ayuu wuxuu qaaday duullaamo badan oo uu ku qaaday shacabkii Muslimiinta ahaa ee degganaa dhulka Sacudi Carabiya. Xilligaas shacabka reer Najdi waxay haysteen dariiqo ka mid ah Suufiyadda oo la yiraahdo ‘Naqshbandi’ (oo ku abtirsata Shiikh Bahaa’uddiin Maxammed Naqshbandi Bukhaari[1318–1389])6. Ina Cabdulwahaab wuxuu bilaabay inuu culumada dariiqadaan birta ka also, maalkoodana soo qaniimeysto. Buugga caanka ah ee loo yaqaan ‘Aldurar alsanniyah’ oo ka kooban dhigaallo ay qoreen culumo reer Sacuudi ahi, wuxuu ina Cabdulwahaab ku xusayaa inuu duulay “qaswah’ in ka badan 300 oo duullaan, isagoo oranaya waxaan ku duulnay gaaladii degganeyd Sacuudiga – wuxuuna u xusayaa tuulo tuulo iyo qabiil qabiil, wuxuuna ku xukumayaa dhammaantood gaalnimo, wuxuuna bannaynsanayaa dhiiggooda iyo maalkooda ([1]ابن بشر. عنوان المجد في تاريخ نجد.).7 Tusaale, isla buugga Durar ina Cabdulwahaab wuxuu ku leeyahay waxaan ku duulnay gaaladii reer Carab Shaam, waxaana ka dilnay 120, waxaan kasoo qaniimeysanay 5000 oo geel ah.8 Sida uu ku soo warramayo taariikhyahanka lagu magacaabo Cabdulraxiim Cabdulraxmaan intaas kuma ekaan wadaadku ee wuxuu ku baxay oo jidgooyo u dhigtay dawladdii Cusmaanida ee Muslimiinta oo dhan matalaysay. Inta sida shuftada jidadka isbaaro dhigto ayuu askarta layn jirey maalkana dhici jirey.9
Sidoo kale taariikhyahanka Cismaan Ibnu Bishri ee wahaabiga ahaa wuxuu soo warinayaa in Maxamed bin Cabdulwahaab iyo ninkay heshiiska wada galeen ay ku duuleen magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina – iyagoo ku doodaya waxaa deggan Mushrikiin – wuxuu taariikhyahanku ku darayaa inay halkaas xerta ina Cabdulwahaab ku burburiyeen qubuuro fara badan, dadkii magaalooyinka dagganaana lagu qasbay inay qaataan manhajka ina Cabdulwahaab. Taariikhyahanka Wahaabiga ah ee Cismaan ibnu Bishri oo ah nin lagu kalsoon yahay xogta uu ka qoray taariikh nololeedka shiikhiisa Maxammed Cabdulwahaab wuxuu qirayaa in shiikhu uu aamminsanaa in dadkii xilligiisa degganaa jasiiradda carabta ey islaamnimada ka laabteen oo mushrikiin qubuuro caabuda noqdeen, ayna ka gaalnimo iyo shirki badan yihiin mushrikiintii Quraysh. Ina Bashiir wuxuu buugiisa ‘Cinwaanka Najd’ ku xusayaa in maalin maalmaha ka mid ah uu Shiikh Maxamed Cabdulwahaab ku duulay tuulada la yiraahdo ‘Cuyaynah’ si ay u soo laayaan mushrikiinta deggan tuuladaas, xoolahoodana ay u soo qaniimaystaan. Taariikhyahanku wuxuu sheegayaa in markii Shiikh Maxamed uu tuulada gaaray uu ku amray raggii ciidanka u ahaa inay dilka ka bilaabaan Guddoomiyaha tuulada oo lagu magacaabi jiray Cismaan bin Mucammar oo amminkaas salaad jimce u taagnaa. Markii guddoomiyihii uu salaaddii ka baxay ayey qoorta u dheereeyeen isagoo weli ku fadhiya salligii uu ku tukaday, markaan Shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab wuxuu yiri: kani waa kaafir kani waa mushrik.10
Isku soo wada duuboo, Maxamed bin Cabdulwahaab iyo urur diimeedkiisu waa mid lagu aasaasay gaalaysiinta dhammaan dadka aan manhajkiisa haysan, qubidda dhiiga dadka Muslimiinta ah ee aan waxba galabsan iyo xalaalaysiga maalkooda. Waana isla arrinka maanta haysta dadka Muslimiinta ah oo dhashii ururkaasi ay meel walba iyo goor walba ku dooxayaan dadka Muslimiinta ah. Bal eegoo u fiirso siday isugu midka u yihiin af iyo dhaqanba, ururkii ina Cabdulwahaab iyo ururrada haatan jira oo kaas ka soo farcamay sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko-Xaaraam iyo Al-Shabaab. Ina Cabdulwahaab qofkaan isaga raacin wuxuu u ahaa Mushrik dhiiggiisa iyo maalkiisuba ay xalaal yihiin, qubuurahana colaad ba’an baa kala dhexaysay. Waxa Daacish, Al-Qaacida, Boko-xaaraam iyo Al-shabaab ay hadda sameeyaan waa isla intaas. Muslimiinta gaalaysii, dhiiggooda iyo maalkooda xalaaleyso, qubuurahoodana burburi.
Taariikhyahannada reer galbeedka qaarkood iyo kuwo Muslimiin ahba waxay soo tabiyaan, in wadaadka ina Cabdulwahaab uu xiriir adag oo dhow la lahaa boqortooyada Ingiriiska, oo iyada guluf weyn ugu jirtay iney dhidibada u siibto dawladdii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta ee fadhigeedu ahaa Turkiga.11 Ingiriisku waa ku dhici waayeen dagaal fool-ka-fool ah inay la galaan Cusmaaniyiinta xilligaas, oo waxay ka baqayeen iney Muslimiinta mideeyaan. Waxay fursad heleen markey ogaadeen in nin la yiraahdo Maxammad bin Cabdulwahaab uu ka soo baxay dhulka Najd kaas oo mucaarad hubeysan ku ah dawladda Cusmaaniyiinta. Jaajuuskii weynaa ee u dhashay waddanka Ingiriiska ee boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsanaa sirdoonka Bariga Dhexe, oo lagu magacaabi jiray ‘Mr Hempher’ wuxuu xusuus qorkiisa ku qoray inuu la kulmay wadaadka lagu magacaabo Maxamed bin Cabdulwahaab kulana kulmay magaalada Basra. Wuxuu jaajuuskaan Ingiriisku sheegayaa in isaga oo matalaya Boqortooyada Ingiriiska uu heshiis la galay ina Cabdulwahaab si ay isaga kaalmaystaan sidii lagu ridi lahaa dawladdii Cusmaaniyinta.12
Moosa, Ebrahim: What Is a Madrasa? (2015)
↩Nawaf E. Obaid (September 1999). “The Power of Saudi Arabia’s Islamic Leaders”. Middle East Quarterly. VI (3): 51–58.
↩A History of the Arab Peoples by Albert Hourani (1992
↩Yaaqii iyo Shaakir: Taariikhda islaamka cuseyb iyo qadiim (2010)
↩عنوان المجد في تاريخ نجد، تأليف: ابن بشر، ص-46-45
↩John L. Esposito (edited by), The Oxford Dictionary of Islam, Oxford University Press (2004), p. 296
↩يوسف الرفاعي. نصيحة لأخواننا علماء نجد.
↩ابن بشر. عنوان المجد في تاريخ نجد.
↩عبد الرحيم عبد الرحمن: وثائق الدولة السعودية الأولى في عصر محمد علي باشا، مج2ص 721
↩Ibnu Bashiir: Taariikhda Najd (pp97)
↩The Saga of “Hempher,” Purported British Spy by Daniel Pipes, January 1996
↩confessions of a british spy and british enmity against islam archived 9 may 2015 at the wayback machine. 8th edition, hakikat kitabevi, waqf ikhlâs
↩

Comments