Bandhigga Diinta Iyo Duruufaha Bulshada
Badanaa diinta iyo duruufaha bulsho walba u gaarka ah siyaabo kala duwan ayay isku saameeyaan. Tusaale ahaan, qaabka diinta loogu soo bandhigo bulshada ama loo baro dadka waxaa inta badan dabada ka riixa xaaladaha dhaqan dhaqaale ee ka jira deegaanka lagu noolyahay. Isa saameynta diinta iyo duruufaha ka jira deegaan walba waxaa sida badan lagu qaadaa dhigaa cilmiga-bulshada oo si gaar ah u daneeya mowduucan.
Qoraalkan wuxuu is dul taagi doonaa xiriirka ka dhaxeeya duruufaha u gaarka ah bulshada Soomaaliyeed iyo siyaabaha kala duwan ee diinta Islaamka loogu soo bandhigo ama loo baro qofka Soomaaliga ah. Qodobka ugu weyn ee qoraalkan ku doodi doono ayaa ah in badanaa xirfadlayda Soomaaliyeed ee ka xamaasha soo bandhigida diinta ( wadaadada) aysan ku baraarugsanayn xiriirka ka dhaxeeya baahida guud ee bulshada iyo soo bandhigida diinta.
Aqoonyahanka cilmiga bulshada “sociologists” waxay badanaa xoogga saaraan in ay mala-awaalaan muuqaalka guud ee bulshada ka dibna cilmi baaris ku sameeyaan waxyaabaha markaas dadku ku mashquulsanyihiin ama ku midaysanyihiin. Diinta iyo siyaabaha loogu dhaqmo ayaa ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee dhaqanka bulsho kasta tiir dhaxaadka u ah; waana taas baa la dhihi karaa sababta ka danbaysa in aqoonyahanka cilmiga bulshada si gaar ah u daneeyaan kaalinta diinta ka ciyaarto qaab dhismeedka guud ee bulshada.
Tusaale ahaan, Emile Durkheim oo ka mid ah raggii dhidibada u taagay cilmiga-bulshada ayaa buuggiisii caanka ahaa- Muuqaallada asaasiga ah ee nolosha diimaysan “ The Elementary Forms of the Religious Life ” ku qaada dhigay in diintu ka dhigantahay tiirka asaasiga ah ee bulsho kasta ku taagantahay. Mudane Durkhiem wuxuu diinta ku qeexay asaga oo cuskanaya qawaacidda cilmiga-bulshada sidan: diintu waa hannaan ama qaabdhismeed isku dheellitiran oo qeexaya waxyaabo la aamminsanyahay ama lagu dhaqmo kuwaas oo cuskan qodobo muqadas ah “ sacred” kuwaas oo si gaar ah loo qiimeeyo.
Qaabka Mudane Durkheim u qeexay diinta ayaa badanaa aqoonyahanka cilmiga bulshada adeegsadaan, waayo muuqaallada bulshooyinka waxaa ku hoos qarsoon qodobo gaar ah oo bulsho kasta u aragto barako ama muqadas lama taabtaan ah. Waxyaabaha ama qodobada muqadaska ah halka ay ka yimaadeen asal ahaan iyo dhabnimadooda badanaa cilmiga bulshada kuma mashquulo; kaliya aqoonyahanka cilmiga bulshadu waxay diiradda saaraan xiriirka ka dhaxeeya muqadasaadka iyo muuqaalka guud ee bulshada.
Tusaale ahaan, waxay u kuurgalaan kaalinta iimaanka iyo cibaadaadku ka cayaaraan wada jirka bulshada iyo waxqabadka guud ee aan looga maarmin duruufaha ka jira deegaanka bulshadu ku sugantahay. Mudane Durkheim mar uu dul istaagay qodobkan wuxuu ku dooday in baahida ka muuqata nolosha qofka shaqsiga ah badanaa qasabto in bulshadu noqoto hannaan guud oo qof walba ku hagta ama u tilmaanta waxyaabo muqadasaad ah oo barako laga heli karo si nolosha qallafsan ee deegaanka ka jirta loogu yara dulqaato.
Sida uu ku doodayo Mudane Durkhiem, shaqada ugu weyn ee diin walba laga doonayo ayaa ah in ay fududayso in bulshadu qaab wada jir ah u wayraxaan “Collective effervescence” ayaga oo si joogta ah u kulmaya si ay u dareemaan barakada ku duugan waxyaabaha muqadasaadka ah. Tusaale ahaan, salaadaha jamaacada ah ee masaajidda lagu oogo marwalba waxay bulshada muslimka ah u sahli karaan in si wada jir ah u dareemaan jiritaanka iyo ku xirnaanshaha Ilaaahay, isla markaana qaab wada jir ah ugu midoobaan duruufaha ka jira deegaanka iyo baahida guud ee bulshada.
Maadamaa bulshada Soomaaliyeed muslimiin yihiin, waxaa mudan in su’aal cuskan cilmiga bulshada la iska weydiiyo kaalinta diinta Islaamka ka cayaari karto wada jirka iyo dib-uheeshiisiinta bulshada Soomaaliyeed. Tusaale ahaan waxaa la is weydiin karaa wadaadada Soomaaliyeed ma ku baraarugsanyihiin in qaabka diinta loo soo bandhigayo iyo baahida guud ee bulshadu xiriir ka dhaxeeyo?
Badanaa wadaaddada Soomaaliyeed kuma baraarugsana mas’uuliyadda ka saaran in soo bandhigida diinta u cuskadaan duruufaha iyo baahida u gaarka ah bulshada Soomaaliyeed. Wada jir la’aan iyo nabad galyo xumo ayaa ah duruufaha u gaarka ah bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo dunida ay kaga noolyihiin. Baraarug la’aanta ku aaddan baahida guud ee bulshada Soomaaliyeed waxay sababtay in wadaaddada Soomaaliyeed u dhaqmaan sida Carab dharagtay oo kale.
Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa wadaad Soomaali ah oo qamiis qurxoon oo qaali ah ku dhex wata waddan burburay oo dadkiisu baahanyihiin. Haddii aadan arag wadaad u dhaqmaya sida Carab dhargay oo kale, waxaad la kulmaysaa wadaad sida Carabtii oo kale u xanaaqsan oo dad masaakiin ah ku qaylinaya ama isku qarxinaya. Wadaaddada kaliya ma ahan kuwa aan ku baaraarugsanay baahida guud ee bulshada Soomaaliyeed u qabaan nabada iyo wada jirka waayo waxaa jira rag iyo dumar bartay aqoonta-qallalan oo meelaha ku qayila kuwaas oo garashada uga garba duuban dhaqamada u gaarka ah reer galbeedka.
Wadaaddadu waxay aqoonyahanka wareersan kaga duwanyihiin musuqmaasuqa diintii dadka u midayn lahayd danahooda guud iyo duruufaha ka jira deegaanka. Tusaale ahaan, waqtigan adag waxay ahayd in wadaaddada soo bandhigaan waxyaabaha muqadasaadka ah ee diinta ku baaqday sida wada jirka iyo walaalnimada guud ee Soomaalida u gaarka ah. Baaqa noocan ah waxay bulshada Soomaaliyeed uga bogsan karaan buufiska iyo qalbi xumada ay ka qaadeen qalaalasaha iyo dagaallada muddada dheer lagu soo jiray.
Nasiib darro badanaa wadaaddada waxay ku mashquuleen soo bandhigida qaybaha diinta u qoondeesay dagaallada iyo daandaansiga kuwaas oo waqtigan la joogo aan looga baahnayn geeska Afrika. Sida badan, nolosha qofka Soomaaliga waligeed waxay ahayd mid ku dhisan halgan iyo harjad joogto ah. Qofka Soomaaliga ah uma baahna in waqtigan la baro Jihaad diin cuskan waayo waligiis wuxuu kuso jiray jihaad joogto ah oo lala galo jifooyinka ay is hayaan. Sidaa daraadeed, wadaadada Soomaaliyeed waxaa la gudboon in diinta ka baaraan jihaad ka duwan midkii lagu qaaday abuu-jahal oo kale si xabada iyo qaraxa socda xoogaa looga xasilo.
Waxaan ognahay in waqtigaan la joogo dadka Soomaaliyeed faqri iyo faro marnaan ba’an faro kulul ku hayaan. Waxaa aad u badan dadka Soomaaliyeed ee maqaadiirtu u qorsheeysay in ay noqdaan sabool suxud saaxud ah. Haddaba waxay ahayd in wadaaddadu diinta ka baaraan baaqyo ku aaddan sidii bulshada loogu dhiira galin lahaa wax soo saarka iyo shaqada. Inta badan wadaaddadu waxay soo bandhigaan qaybaha diinta u qoondeesay in nolosha iyo shaqada adduunka aan lagu mashquulin oo aakhiro loo shaqaysto.
Waayadan waa tii dhimashada iyo dhaawacu ku bateen bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Sidaa daraadeed, waxaa la qiyaasi karaa in Soomaalida badankeed xiiso iyo niyad u hayaa I ay dhadhamiyaan qiimaha nolosha iyo hormarka adduunka. Haddaba, wadaaddada waxaa laga doonayaa in ay ku baraarugsanaadaan soo bandhigidda qaybta diintu u qoondaysay guulaha laga gaari karo nolosha adduunka. Tusaale ahaan, wadaaddadu waxay bulshada u sheegi karaan in la gaaray waqtigii la dhisi lahaa dowlad casri ah oo ka madax bannaan muranka wadaaddada.
Waxaa aad u badan tusaalayaasha muujiya in wadaaddadu aysan ku baraarugsanayn xiriirka ka dhaxeeya baahida guud ee bulshada iyo soo bandhigidda diinta. Marka la eego baahida waqtigan bulshada Soomaaliyeed u qabaan nabad iyo xasiloono, wadaadada Soomaaliyeed waxaa ku waajibaya in xirfadooda soo bandhigida diinta u cuskadaan durufaha adag ee hadda taagan. Wadaaddadu waa in bulshada la wadaagaan sida ay muqaddas u tahay wada jirka iyo walaalnimada ummada Soomaaliyeed maadama diintu tahay hanaan ama qaabdhismeed isku dheelitiran oo qeexaya waxyaabo la aaminsanyahay ama lagu dhaqmo kuwaas oo cuskan qodobbo muqadasaad ah.
Tixraac:
The Elementary Forms of the Religious Life (1912)

Comments