Caadadu cillad ma aha

Qaar badan oo ka mid ah wadaaddadu waxay ku andacoodaan in diinta Islaamku aysan haweenka u oggolayn in ay qabtaan xilalka sare ee qaranka. Arrinkaasna waxay u daliishadaan oraah ay xadiis ku sheegaan, oo sheegaysa in nebigu (scw) yiri: “Ma liibaanaan qolo arrinkooda u dhiibtey haweeney/ ال يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة"

Oraahdaan ama xadiiskaan Muslimiintu markii ugu horreysey waxay maqleen 25 sano ka dib geeridii nebeiga (scw), goor uu muslimiinta dhexdooda ka socday dagaalka loo yaqaan magaca “Dagaalka awrta/ معركة أو موقعة الجمل" ee u dhexeeyey ciidankii Cali bin Abii Daalib (RC) iyo kii Caa’isho bint Abuu Bakar (RC). Waxaana laga maqlay saxaabi magaciisa lagu sheegay Abuu Bakra (Nufeyc bin al-Xaarith RC), oo sebenkii Cumar bin Khadaab (RC)uu talada hayey shaabuug la la dhacay, ka dib markii lagu eedeeyey inuu meel uga dhacay shararta guddoomiye la oran jirey Muqiira bin Shucba, oo isaga iyo rag kale ay ku tuhmeen inuu sino ku dhacay.

Qof ahaan, waxay ila tahay in uusan jirin ruux miyirkiisu fiyow yahay, isla markaana xog ogaal u ah fanka xadiiska oo ku dhaaran kara in nebigu oraahdaan yiri. Midda kale, xataa haddii laga soo qaado in nebigu oraahda yiri, waxaa la isku maandhaafsan yahay macnaha la siinayo oraahda. Tusaale ahaan, qaar ka mid ah culumada islaamka ee qaba in oraahdu xadiis tahay, waxay ku doodeen in xadiisku uu tebinayo dhacdo taariikhi ah oo waa hore mar dhacday, laakiin uusan ku habboonayn, nebiguna uga dan lahayn in xukun laga qaato. Haddii si kale loo dhigo, xadiisku wuxuu ka warramayaa dhacdo mar dhacday, laakiin ma xanbaarsana xukun sharci ah oo ay tahay in Muslimiintu fuliyaan (الحديث يدخل في إطار اإلخبار والبشارة ال في باب الحكم الشرعي).

Haddaba, su’aashu waxay tahay: oraahda noocaas ahi ma istaahishaa in darteed lagu curyaamiyo bulshada barkeed? Teeda kale, wadaaddada ku dheggan oraahdaan maxaa u diidey in ay arkaan xukunkii boqoraddii Saba ee Balqiis, oo quraanku si qurux badan noogu soo tebiyey xilkasnimadeedii iyo dimoqoraadiyaddeedii. Quraanka oo carrabka Bilqeys nagula hadlayaa, wuxuu leeyahay: “ Waxay tiri maqaawiireey ii tilmaama talada, ma ahi mid goysa talo aydaan joogine/ قالت يا أيها المأل أفتوني في أمري ما كنت قاطعة أمرا حتى تشهدون “. Maxaa u diidey wadaaddada in ay arkaan aayaddaan, inta ay ku yoto’ayaan xadiis aan la aqoon waxa ka run ah?

Wadaaddada ku dooda in haweenku aysan qaban karin hoggaanka sare ee dalku, mararka qaarkood waxay na weydiiyaan su’aal oranaysa: Yaa oggol in ay u taliso gabar caado lihi? Jawaabta weydiintaasi waxay tahay: waxaa oggol oo doonaya bulshada inteeda aan caadada cillada/iinta u arag.

Halkaan ka dhagayso dooddii BBC-da ee haweenka iyo hoggaanka:

Comments