Casrigii Magaalooyinka
Taariikhyahannadu waxay sheegaan in casriga tuulooyinka uu soo khatimay nebi Muxammad (NNKH), uuna si rasmi ah u bilaabay casriga loo yaqaan casrigii magaalooyinka ‘عصر المدن . Casriga maaaloyinka waxay culumada taariikhdu ku qeexaan inuu yahay casrigii uu bilaabmay is-dhexgalka bulshada qaybaheeda kala duwan, lana aqbalay kala duwanaanshaha diinta, dhaqanka, midabka jirka, jinsiyadda, fikirka iyo luuqadda. Sidoo kale waa xilligii la bilaabay in la duugo qabyaaladda iyo is addoonsiga. Suubbanuhu (NNKH) wuxuu ahaa shaqsigii ugu horreeyay taariikhda aadanaha oo sharcidarro ka dhigay addoonsiga(Watt, 2012). Rasuulku (NNKH) wuxuu ahaa naxariis iyo naruuro ilaahey u soo diray dhammaan koonka oo dhan, si uu uga saaro mugdiyadii iyo jaahiliyaddii ay ku jireen gaar ahaan aadanaha. Sababtoo ah rasuulka ka hor dadku waxay u noolayeen qaab tuuloooyin, waxayna diideen iney suurtagal tahay in iyagoo kala duwan ay wada nolaan karaan. Si kale haddaan u dhigo, ilbaxnimada dhabta ah wuxuu aadanaha gaaray ka dib soo saariddii Nebiga (NNKH). Eebbe wuxuu yiri:
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِين
“kuuma aanan dirin naxariista caalamka adoo ah mooyee”
Eebbe (SWT) wuxuu aayaddaan noogu sheegayaa oo na dareensiinayaa in rasuulka Muxammad ah (NNKH) ka hor uu aadanuhu dhib iyo jahwareer ku jiray, iyagoo ku dhaqmaya dhaqankii tuulooyinka taasina ay u sababtay halaagyo kala duwan oo is daba joog ah. Sidaas aawadeedna nebiga (SCW) loogu soo saaray inuu aadanaha ku hoggaamiyo xagga horumarka, wada noolaanshaha; uuna midkood midka kale aqbalo oo la noolaado si nabadgelyo ah isagoon qofna loogu eegeyn midabka diirkiisa, diintuu aaminsan yahay, qabiilkuu ka soo jeedo, darajadiisa bulshda dhexdeeda, dhaqaalihiisa amaba dhaqankiisa. Shardi in uusan qofkaasi ku xadgudbin kan ka ra’yi duwan oo la imaanin dhaqan cadaawad iyo kala soocid ku dhisan (dhaqankii tuulada).
Tusaalaha ugu wanaagsan oo aan ka jaleeci karno taariikhda waa in rasuulka (SCW) uu doortay inuu dego magaalada Madiina oo halkaas ka dhiso dawladdii Islaamka, kana doorbido magaaldii uu ku dhashay ee uu aadka u jeclaa ee Makah . Madiina intaan nebigu u soo hijroon waxaa la oran jiray ‘Yatrib’ rasuulka ayaa u bixiyay ‘Madiina’ oo micnaheedu tahay magaalo. Nebigu (SCW) markuu Maka furtay oo ka xoreeyay gaaladii reer Quraysh, wuu awooday inuu dawladiisa halkaas saldhig uga dhigo, laakiin wuxuu ogaa in Maka ay ahaanayso Tuulo xaram ah (macnaha tuulada), uusanna soo geli karin qof aan muslim aheyn mooyee. Rasuulkuna wuxuu doonayay inuu dhiso dawlad balaaran si uu u gaarsiiyo naxariista Eebbe u soo dhiibay dhammaan aadanaha. Dawlad markaad tahayna waxaad xiriir la yeelanaysaa aadanaha oo dhan iyagoo kala diin, dhaqan iyo midab duwan – oo waxaa booqasho kuugu imaanaya ummado kala, diin, midab iyo dhaqan duwan. Rasuulku isagoo taas dareensan, ayuu doortay magaalada Madiina, sababtoo ah Madiina waxaa xiligaas ku noolaa: Muslimiin, Yuhuud, Kirishtaan, Mushrikiin iyo Munaafiqiin, Rasuulkuna dhammaantood ayuu madaxweyne u ahaa, wuuna simay xuquuqdooda isagoon u kala soocin kanaa i rumeeyay kanna ima rumeyn, kanaa Carab ah, kanaa Cajam ah.
Taariikhyahanka reer galbeedka ah ee lagu magacaabo Michael H Hart wuxuu ku sheegay buuggiisa la yiraahdo: ‘The 100: A Ranking of the Most Influential Persons in History’, 100kii qofood ee ugu saameynta badnaa taariikhda aadanaha, in nebi Muxammad (SCW) uu ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa taariikhda banii’aadanka. Isagoo arinkaan faahfaahinaya wuxuu caalimkaani yiri: “waxaaa dabiici ahaan laheyd inaan Ciise ka dhigo qofkii ugu saameynta badnaa taariikhda maadaama aan heysto diintiisa, dadka igulama yaabeyn go’aankaas, laakiin waxaan doortay Muxammad. Sababtoo ah, Muxammad wuxuu ahaa; aabbe ilmo dhalay, wuxuu ahaa nin xaasas leh oo guursday, wuxuu ahaa hoggaamiye diin, wuxuuna ahaa madaxweyne dawlad rayid oo ay ku hoos noolaayeen noocyada kala duwan ee aadanaha – isagoo si siman ugu kala garsooray dhamaantood; isagoon eegin mid rumeeyay iyo mid aan rumeyn. Michael oo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri: laakiin, Ciise wuxuu ahaa oo kaliya hoggaamiye diin, oo ma guursan, waxna ma dhalin, dawlad ma dhisin, ummado kala duwanna kuma hoos nooleyn – ee reer banuu islraa’iil oo qudha un baa loo soo diray”
Rasuulku (SCW) wuxuu tusaale u sameeyay cid walba oo doonaysa inay dawlad yagleesho, marka hore waa in ay aqbashaa kala duwanaanshaha ummadaha, suurtagalna ma’aha iney guulaysto dawlad ku dhisan kala soocidda dadka iyadoo loo eegayo, diin, dhaqan iyo midab. Tusaale waxaa noogu filan dawladdii Koonfur Afrika ee ku dhisnayd midab takoorta (apartheid) meeshey ku danbeysay iyo wixii dhibaato ah ee ay soo martay, iyo sideey u halaagsameyn. Urur diimedyada Islaamka ee haatan dunida ka jira ee leh yididiilo siyaasadeed oo ah in ay ummadaha hogaamiyaan, waxay ku qasban yihiin in ay aqbalaan kala duwanaanshaha dadka, kalana soocaan diinta iyo siyaasdda – haddii kale waxay ku danbeenayaan halaagii ku dhacay dadyowgii hore ee ku dhaqmay nidaamkii tuulooyinka ee ahaa kalitalisnimo aan oggoleyn dadka ka duwan, diidayna wada noolaansho.

Comments