Timbuktu faallo filin
Oraah caan ah oo carabtu ay adeegsato baa waxay tiraahdaa: "Si kasta oo sadcaalku uu u dheeraado, Sanca waa lamahuraan /البد من صنعاء وان طال السفر". Oraahdaan waxaa loogu abtiriyaa Imaam Axmed bin Xanbal (790-855), oo ah ninka loogu abtiriyo mad-habka fiqiga ah ee Xanbaliyada. Sida la sheego, Axmed isaga oo Ciraaq ku nool buu wuxuu go'aansaday in uu u safro magaalada Sanca ee carriga Yaman si uu halkaas ugula kulmo wadaad la oran jirey Cabdurasaaq al-Sancaani (744-826) oo loogu sheegay in uu yahay nin cilmi badan, siiba in uu ku xeeldheeryahay cilmiga xadiiska, ahna ninka qoray buugga caanka ah ee "Musannaf Cabdurasaaq /مصنف عبدالرزاق".
Dabadeed, Axmed oo Maka xaj u tagay baa waxaa loo sheegay in Sancaani uu isaguna xajka joogo, sidaa darteedna uu haysto fursad ah in uu Maka kula kulmi karo, halkii uu darti Sanca ugu sadcaali lahaa. Imaam Axmed raggii warka iyo talada la wadaagay wuxuu ugu jawaabay oraahdaan caanka noqotay ee "Si kasta oo sadcaalku uu u dheeraado, Sanca waa lamahuraan."
Si ka daran sida Axmed uu Sanca u tiigsanayey ayaa muddo shan boqol oo sano ah dad badani waxay ugu taamayeen in ay mar un arkaan magaalada Timbuktu ee Galbeedka Afrika. Tegidda Timbuktu waxaa isku si ugu taami jirey Muslimiintii carbeed, caddaankii reer Yurub iyo Afrikaankii deegaanka ka dhawaa.
Magaalada Timbuktu oo hadda ka tirsan dalka Maali, kuna taal dhul u dhexeeya lamadegaanka iyo Safaanaha Afrika, kun sano ka hor baa la aasaasay, bilowgeedii horena waxay ahayd ceel dad xoolodhaqato ahi ay biyo ka cabbi jireen. Laakiin laga bilaabo qarnigii 13-aad waxay noqotay magaalo ku caan ah ganacsi iyo waxbarasho, waxaana loo aqoonsaday in ay tahay "Magaalada dahabka iyo aqoonta."
Ganacsigii ugu horreeyey ee magaaladu ay caanka ku noqotay wuxuu ahaa dahabka iyo cusbada. Waxaa loo soo dhoofin jirey cusbo ama milix, waxaana laga dhoofin jirey dahab. Dahabka iyo cusbadana waxaa la kala siisan jirey qiimo isku mid ah, oo kiilo dahab ah baa kiilo cusbo ah lagu doorsan jirey.
Tusaale ahaan, taariikhyahankii Carabka ah ee Ibnu Fadlullaahi al-Cumari oo qarnigii 14-aad magaaladaan booqday, wuxuu sheegay in Galbeedka Afrika ay dadku "koob cusbo ah ku beddeshaan koob budo dahab ah." Sababtu ma ahayn in dhulkaan ay cusbadu naadir ku tahay, balse sababtu waxay ahayd dahabka oo ku badnaa, dadkiisuna aysan aqoon waxtar badan oo dahabku uu leeyahay.
Sida dhigaallada taariikhda lagu xusay, boqor qarnigii 14-aad dhulkaan ka talin jirey oo la oran jirey Mansa Musa (1280-1337) ayaa xajka tagay, muddadii uu safarka xajka ku jireyna, dadkii uu kula kulmay dhulalkii uu marayey wuxuu hadiyad ahaan u siiyey dahab tiro badan, falkaas oo keenay in magaalada Qaahira uu muddo dheer qiimaha dahabku hoos u dhacay. Waxaana la sheegay in suldaankii Masar ee Naasir bin Muxamed bin Qalaawuun )1285- 1341) uu boqor Muuse weydiiyey halka uu ka helay dahabka faraha badan ee uu qaybinayo, kolkaasna Muuse oo kaftamayaa uu ugu jawaabay: Dhulkayaga gu'ga iyo jiilaalka waxaa ka baxa geed dahab dhala. Hadda, boqor Maansa Muuse waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay ruuxii ugu taajirsanaa ee abid dunida soo maray.
Hase ahaatee, markii la soo gaaray qarnigii 14-aad, booskii cusbada waxaa galay buugta, oo buugta ayaa waxay noqotay badeecada ugu muhiimsan ee loo soo dhoofiyo Timbuktu, halka dahabku uu weli ka ahaa badeecada ugu mudan ee laga dhoofiyo. Magaaladu waxay noqotay xarun cilmiyeed ku sheeggan maktabado, malcaamado quraan, masaajid iyo culumo diinta islaamka ku xeeldheer. Wadaaddada magaaladuna waxay ahaayeen suufiyo kala raacsan duruqda suufiyada ee kala duwan, waxaana ku noolaa ama soo booqan jirey rag loo aqoonsaday in ay yihiin awliyo siraata. Sidaa darteedna, magaalada waxaa loogu yeeraa magaca: "Magaalada awliyada" ama "Magaaladii 333da weli".
Timbuktu iyo wararka ku saabsan hodontinimadeedu, Yurub waxay ku faafeen markii la soo gaaray qarnigii 19-aad. La yaabka wararka magaaladana waxaa ka qayb-qaatay in tegiddeedu ay ku adkayd. adkaanshaha tegiddeedana waxaa ka qaybqaatay saxaaraha ay ku taal iyo iyada oo loo arkayey in ay tahay dhul Islaam oo ka caaggan gaalada ajanebiga ah.
Sidaa awgeed, dadyowga reer Yurub marka ay maqlaan magaca 'Timbuktu', waxay mala'awaalan jireen dhul janno ah, laakiin aan la gaari karin, waxayna u arkeen in ay la mid tahay dhulalka khayaaliga ah ee loo bixiyey Eldoraada (=magaalada dahabka) iyo Atlaantidii hirarku liqeen. Tusaale ahaan, qaamuuska Ingiriiska ah ee "The Oxford Dictionary", erayga 'Timbuktu' wuxuu u qeexay sidatan: Timbuktu "waa meesha ugu fog ee la suuraysan karo /the most distant place imaginable." Afka Ingiriiskana waxaa ku korodhay oraah tiraahda: "Halkaan ilaa Timbuktu /From here to Timbuktu", oo ah oraah muujinaysa meel fog oo aan la gaari karin, una dhiganta waxa carabtu ay ugu yeeri jireen "dhulka ama jasiiradda Waaq-Waaq /جزيزة الواق واق".
Yeelkadeede, sannadkii 2012, magaaladii Timbuktu ee seban lagu riyoon jirey tegiddeedu, waxay noqotay cadaab wadar ahaan looga qaxo. Taasina waxay timid kadib markii urur diimeed xagjir ah oo isku magacaabay 'Ansaaru Diin ama Diin U Gargaarayaal' uu magaalada ku habsaday, kuna andacooday in uu shareecada Islaamka magaalada ku xukumayo. Dhacdadaas iyo mirihii kharaaraa ee ka dhashay ayuu ka warramayaa filinkaan lagu magacaabo "Timbuktu: shinbirkii murugaysnaa".
Sida la sheegay, filinkaan xooggiisu wuxuu ku salaysan yahay dhacdooyin dhab ahaan magaalada uga dhacay. Tusaale ahaan, dhacdooyinka filinka ku jira ee magaalada ka dhacay waxaa ka mid ah wiilka iyo gabadha dhagaxa lagu dilayo, kadib marka lagu eedeeyo in ay meher la'aan galmo wadaageen. Waxaana xusid mudan, in sabab amni darteed aan filinkaan lagu samayn magaalada uu ka warramayo ee Timbuktu, balse lagu sameeyey dalka ay deriska yihiin ee Murutaaniya.
Qawaacidda fiqiga islaamka waxaa ka mid ah qaacido tiraahda: "Asalka walxuhu waa xalaal jeer laga helayo daliil xaaraan ka dhigaya / األصل في األشياء اإلباحة حتى يدل الدليل على التحريم". Urur diimeedka magaalada qabsaday sida urur diimeedyada kale ee ay bahwadaagta yihiin ee Alshaab, Booko Xaraam, Daacish iyo al-Qaacido, xeerkaan wuu daba geddiyey, oo wuxuu ka dhigay "Wax walba waa xaraan jeer laga xalaaleeyo."
Tusaale ahaan, filinka waxaan ku arkaynaa niman makarafoonno sita oo xaafadaha dhexdooda ku wareegaya iyaga oo dadka magaalada ku wargelinaya: "Muusiggu waa xaaraan, kubbadda cagtu waa xaaraan, sigaarku waa xaaraan, wejiga iyo gacmaha haweenku waa xaaraan. Haweenku waa in ay sagsaan iyo gacmo-gashi gashadaan marka ay guryaha dibedda uga baxayaan."
Ragga xubnaha ka ah jabhadda magaalada qabsatay, dadweynaha waxay si joogto ah u weydiinayaan:
Sow ma ogid in banooniga la mamnuucay?
Sow ma ogid in heesaha la mamnuucay?
Sow ma ogid in qosolka la mamnuucay?
Soo ma ogid in jacaylka la mamnuucay?
Soo ma ogid in nolosha la mamnuucay?
Ugu danbayntana, marka laga gaari waayo in la kow labeeyo waxyaabaha xaaraanta ah, ayaa waxaa la soo saarayaa wareegto oranaysa: "Wixii hore oo dhammi waa xaaraan /Any old thing". Taas oo macneheedu yahay in caadooyinkii, dhaqammadii iyo wax kasta oo horay magaalada uga jirey ay xaaraan yihiin, tan iyo fatwo (=wareegto) danbe.
Waa magaalo afduuban, oo laga xayuubiyey wax kasta oo ay hidde iyo dhaqan u lahayd. Waxaa si dhib yar lagu baabi'iyey maktabadihii iyo mawlacyadii ay magaaladu qarniyada badan caanka ku ahayd ee la soo beegsan jirey.
Qisada filinka udub dhexaadka u ahi waa sheekada qoyska Kidane (=Ibraahim Axmed). Qoyska Kidane waxay deggen yihiin meel bacaad ah oo ka baxsan magaalada Timbuktu, waxayna ka kooban yihiin Kidane iyo xaaskiisa Satima (=Tolo Kiki), inan yar oo ay dhaleen oo la yiraahdo Toya (=Leyla Maxamed) iyo wiil ay waalid u noqdeen kadib markii aabbihi la dilay, oo reerka lo'da u raaca (=Iisaan).
Kidane waa raacato ku faraxsan noloshiisa miyiga, ayna ka go'an tahay in uu carruurtiisa ku koriyo hiddihii iyo dhaqankii uu ka dhaxlay awoowayaashiis.
Marka afadiisu ay khatar dareento, ee ay u soo jeediso in meesha laga qaxay ay isaga guuraanna, wuxuu ugu jawaabayaa: Weligeen ma qaxaynaa? Yaan dhulkeenna uga tagaynaa? Waa in aan dhulkeenna ku mitidnaa.Niyaddana wuxuu ugu qaboojinayaa in dadkii qaxay ay soo guryo noqon doonaan.
Dhulka cidlada ah ee qoysku uu deggen yahay wuxuu fursad u siiyey in ilaa heer ay ka badbaadaan cadaadiska iyo dhibka jabhadda jihaad doonka ahi ay ku hayso dadka magaalada ee ay uga mamnuucday banooniga, muusigga iyo qosolka. Shaahooda iyo kabankooda bay si nabdoon ugu caweeyaan. Hayeeshee, ayaandarro maalin maalmaha ka mid ah ayaa sac reerku uu jeclaa oo ay u la baxeen GPS, waxaa dilaya nin kalluumayste ah, Kidane na kolkiisa ayuu si kama ah wuxuu u dilayaa kalluumaystaha saca ka dilay, halkaana waxaa ka bilaabanaya hoogga qoyskaas oo gacanta u galaya caddaalad ku sheegga jabhadda. Waxaa taa dheer, in sarkaal sare oo jabhadda ka tirsani uu hunguriyeynayo xaaska Kidane ee ilwaadda leh.
Farriinta ugu mudan ee filinku uu gudbinayaa waa ahmiyadda in bulshadu ay iska caabbiso xumaha. Bulshada magaaladu wareegtooyinka jabhadda waxay kala hor tagayaan iska caabbin nabdoon. Marar badanna iska caabinta nabdoon baa ka saamayn badan midda gacan ka hadalka wadata. Tusaale ahaan, filinka waxaan ku arkayaa wiilashii magaalada oo iyaga oo cago cad, banooni male'awaal ah ku dheelaya garoonka magaalada, si ay u muujiyaan in aysan raalli ka ahayn banooniga la mamnuucay. Waa muuqaal aad u qurux badan, oo daawadaha ku bixinaya in uu la farxo kuwa guulaystay, isla markaana uu la murugoodo kuwa laga foosay. Waxaa la yaab leh sida banooni la'aan ay isula helayaan jaanta iyo jabaqda.
Muuqaal kale, waxaan ku arkaynaa barbaarta jabhadda oo oday waayeel ah ku khasbaya in uu gaabiyo surweelka uu qabo. Odayga marka ay ka deyn waayeen amarka ah: surweeka gaabi! Ayuu marka danbe wuxuu gaaray heer inta uu surweelka iska siibo oo garabka saarto, uu dabagaab keliya magaalada ku dhex maro. Muuqaalkaas markaan daawaday, waxaan xusuustay sheekadii Soomaalidu ay ka wariyeen ninkii cirka u kalleetiyey ee markii la weydiiyey sababta ku bixisay in uu samada u kalleetiyo, ku jawaabay: "Duul culumo waashay baan nahay!"
Muuqaal kale, waxaan ugu tagaynaa gabar fannaanad ah oo lagu eedaynayo in ay heestay, dabadeedna lagu xukumayo in lagu dhufto 40 jeedal. Gabadha marka shaabuugga lagu bilaabo, ayay waxay bilaabaysaa in ay hees qaaddo. Macaanka heesta bay kula tacaalaysaa xanuunka jeedalka. Waa nooc kale oo ka mid ah iska caabbinta nabdoon. Kabanka iyo rasaasta keebaa ku leh? Gabyaagii Soomaaliyeed soo kuma maansoon: "Afku wuxuu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara e."
Muuqaallada filinka ee dareenka daawadaha kicinaya waxaa ka mid ah, marka maleyshiyada wadaaddadu ay damcayaan in gabadh kalluun iibisa ay ku khasbaan in ay gashato gacmo-gashi ay gacmaheeda ku asturto, gabadhuna ay ku adkaysanayso in aysan gacmo-gashi xiranayn xataa haddii ay labada gacmood ka jarayaan. Dabadeedna, ay isku darayso in ay gacmaheeda bannayso, iyagana ay middi u dhiibto kuna tiraahdo: "Gacmo gashi xiran maayo xataa haddii aad gacmaha iga jaraysaan! Gacmaha iga jara! Waa kuwaan ee jara!" Waa iska caabbin culus, inkasta oo ugu danbaynta awood lagu maquuninayo.
Filinku wuxuu ku bilaabanayaa deero gawaari hubaysan lagu eryanayo, wuxuuna ku dhammaanayaa isla baabuurtii hubaysnayd oo dad lagu cayrsanayo. Isla jeerkaas ragga deerada dilayaa waxay burburinayaan farshaxankii magaalada. Waa farriimo muujinaya in urur diimeedka dhulka qabsaday aysan noloshu -dad iyo duunyaba- macne ugu fadhin. Waa rag nolosha col la ah iyaga oo cuskanaya akhlaaq iyo diin.
Waa rag qaarado kala geddisan isaga yimid, oo aan lahayn af go'an oo ay isku fahmi karaan. Afafka jacburka ah ee ay ku xiriiraan waxaa ugu mudan afka Ingiriiska, oo ah afka gaalada ay colka yihiin. Si gaar ahna waxay u liidaan afafka dadka deegaanku ay ku hadlaan. Arrinkaas oo muujinaya in jabhaddu aysan dadka deegaanka waxba la wadaagin. Qayb ka mid ah raggaan jihaad doonka ahi, waa rag adduunyo jiris ah, oo u oomman awood, xoolo iyo dumar ay ku helaan qori caaraddi.
Filinka waxaan kaloo ku arkaynaa imaamka masaajidka Timbuktu oo metalaya islaamkii soo jireenka ah ee bulshadu ay taqiin, oo ragga jihaad doonka ah su'aalo ka weydiinaya cidda u bannaysay in ay barbaarta banooniga u diidaan, muusigga iyo digrigana ay xarrimaan, gabdhaha yaryarna ay guursadaan?
Yaa idinku yiri masaajidda gudahooda baa laga jihaadaa? Ma og tihiin in jihaadka caqligu uu ka muhiimsan yahay kan qoriga? Yaa idiin idmay in aad fulisaan qawaaniintaan islaamka ka fog?
Laakiin halkii ay weydiimahaas ka jawaabi lahaayeen, waxay ka dhaqaaqeen iyaga oo imaamka ku leh: Amarka qaado oo shareecada islaamka u hoggoonsan.
Sidaan la wada soconno, Soomaaliya waxay safka hore uga jirtaa waddamada la dhibban falalka argagixisada. Filimaantuna waxay awood u leeyihiin in ay beddelaan sida dadku ay wax u arkaan, oo daawashada filimaantu waxay na hor keentaa dad iyo xaalado aan horay xisaabta noogu jirin. Sidaa darteed, waa lamahuraan in la helo filimaan mawduucan ku saabsan oo dhallinyarada afkooda hooyo kula hadla. Waana hubaa in ay jiraan Soomaali samayn kara filimaan midkaan u dhigma ama ka tayo sarreeya.
Isku soo xooriyoo, Timbuktu waa filin xanbaarsan farriin sare oo u hiillinaysa nolosha iyo bani'aadamnimada, si weynna u canbaaraynaysa nacaybka, dulqaad la'aanta iyo baabi'inta aqoonta iyo dhaqamada soo jireenka ah ee ummadaha.

Comments