Casriyadii Kala Duwanaa ee Aadanaha
Tan iyo waagii Nebiyullaahi Aadan arlada la keenay, oo aadanuhu tarmeen, Eebbe wuxuu aadanaha u soo diriyay ergooyin xanbaarsan fariimaha Eebbe – kuwaas oo taabanayay hadba xaaladda uu aadanuhu ku jiray. Tusaale, nebi Nuux (CS) waxaa loo soo diray qawmkiisa inuu gaarsiiyo fariinta ilaahey ee ah in ay Alle kaligii caabudaan. Qawmka Nuux xilligaas waxay caabudi jireen shan nin oo awoowayaashood ahaa oo wanaag loogu sheegay, lana kala oran jiray; Wud, Suwaac, Yaquut, Yacuuq iyo Nasra. Muhiimadda nebi Nuux (CS) waxay aheyd in qawmkiisa uu uga nasteexeeyo caabudida wax Alle ka sokeeya. Ilaahey oo ka waramaya shaqadii Nuux loo soodiray wuxuu yiri:
“Waxaan u dirnay Nuux qawmkiisa, wuxuu ku yiri; qamkaygiiyoow caabuda ilaahey, idiinma sugna ilaah kasoo hadhaye, anigu waxaan idiinkaga baqayaa cadaab maalin weyn1/ لَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Tusaalaha kale, Nebi Luudh (CS) waxaa loo soo diray inuu qawmkiisa ka reebo faaxishada raga loo galmoonayo, oo sida quraanka lagu xusay aysan jirin cid qawmkaas uga horeysay. Eebbe wuxuu yiri:
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ
“Xusuuso nebi Luudh markuu qawmkiisa ku yiri ma xumaanta ayaad la imaanaysaan oo uusan idinkaga horeyn qof caalamiinta kamid ah”2. Aayaddaan wuxuu Alle ku qeexay muhiimadda shaqada nebi Nuux inay aheyd inuu qawmkiisa uga digo xumaanta ragga ragga u galmoonaya. Nebiyadii kale iyo ergooyinkii kale ee Eebbe soo dirayay waxaa lala soo diri jiray fariin qusaysa hadba bulshadaa ay u digayaan ilaa laga soo gaarey nebi Muxammad naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee (NNKH), oo isaga fariinta uu Eebbe ka siday ay aheyd mid dhan walba ah, oo dhamaystiran. Casriyada sooyaalka aadanaha waxay taariikhyahannadu u kala qeybiyaan laba qeybood oo waa weyn: b) casrigii tuulooyinka iyo t) casrigii magaalooynka.
La soco qaybta xigta.

Comments