Hordhac

Eebbe SWT goortuu dunidan abuuray wuxuu u dhigay xeerar ay qasab tahay inay raacaan dad iyo duunyo iyo dhamaan abuurka oo dhan; qaarka garaadka leh iyo kuwaan lahaynba. Xeerarkaas waxaa kamid ah, xeerka nolosha, xeerka geerida, xeerka guusha iyo xeerka fashilka, xeerka irsaaqda iwm. Diintaad doonto hayso, ama diinlaawaba noqo – waxaad ku qasban tahay inaad xeerarkaas u hoggaansanto, ama waxaad ku danbeyn mid fashilma oo halaagsama. Xeerka koowaad ee ilaahey koonkaan u dajiyay waa; in Alle kaligii yahay, aan isbedeleyn, suganna – taladana ay kaligii u sugnaatay. Wax walba oo Alle ka sokeeyana ay tiro yihiin, oo isbedelaya, kala duwan – taladoodana ay ka dhexeyso dhammaantood si walba oo ay u kala diin, dhaqan iyo jinsiyad duwan yihiin. Taasina waa laf-dhabarta towxiidka, oo waxay na fahansiinaysaa fahanka dhabta ah ee towxiidka iyo kali ahaanshaha ilaahey. Eebbe wuxuu Suurat Al-Ikhlaas ku yiri: “Waxaad dhahdaa (nebiyoow) Eebbe waa kali (wehelna maleh) waana sayid deeqtoonEebbe wax ma dhalin isna lama dhalin*wax la mid ahna ma jiro*”1

Urur diimeedyada siyaasadeed ama ururrada lagu naynaaso islaamiinta, badidood waxay guluf ku soo jireen muddo qarni ku dhow, qaar dhowr qarni. Waxayna dhammaantood had iyo gooraale ku hadaaqaan inay dib u soo celinayaan khilaafadii Islaamka. Khilaafo warkeeda iska daayee, tuulo ma eysan soo celin. Yeelkadeedee, higaaladaan ‘BAADIGOOB XAQIIQO’ ee taxanaha ah waxaan ku falanqaynayaa oo intii aqoontaydu i gaarsiiso ku kala dhig-dhigi doonaa sababta ay u fashilmeen urur diimeedyada siyaasadeed. Kama hadlayo wadaaddo aan iyagu siyaasad ku jirin oo uun dadka diinta bara, ee waxaan ka hadlayaa waa ururrada magaca diinta siyaasad ku soo galay oo fashilmay. Su’aalaha u baahan in la isweydiiyo waxaa weeye; sidee raggaan magaca ilaahey ku dhowaaqaya ay u fashilmeen? Ma aqoonta diintaa ku yarayd? Ma aqoonta maamulka iyo siyaasadda ayeeysan wax ka aqoon? Mise nimanka waa la shirqoolay? Mise ilaahey ayeey ka been sheegayeen? Mise nimanka waxay u fashilmeen inay ka boodeen xeerarkii ilaahey koonkaan u dajiyay? Su’aalahaas iyo qaar kaloo badan waa inaan jawaab u helnaa si aan u fahanno waxa sababay fashilka baaxadda weyn ee ku dhacay ururro diimeedka siyaasadeed, anigoo iska taagi doona xaglooyin kala duwan.

Waxaan isku dayi doonaa inaan xoogeey ka taabto taariikhda aadanaha iyo casriyadii kala duwanaa ee uu soo martay – anigoo rajaynaya in akhristuhu uu helo af-biloow u fududeeya fahamka ujeedka dhigaalkan. Waxaan sidoo kale eegi doonaa qaabkii uu ergaygii ilaahey (SCW) u dhisay dawladdii muslimiinta ee uu ka taagay magaalada Madiino – si aan tusaalooyin uga soo qaadano. Ugu danbeyn waxaan ka hadli doonaa qaar kamid ah urur diimeedyada siyaasadeed ee abuurmay tan iyo markii la riday dawladdii Cusmaaniyiinta, anigoo marka hore qeexaya maxaan ula ujeedaa urur diimeed?

La soco qaybta xigta.

  1. Suurat Al-Ikhlaas

Comments