Qaata Maalka iyo Manaasibta, Laakiin Dalka Noo Daaya

Gabyaagii carbeed ee Axmed Showqi gabay uu tiriyey gu’gii 1926, goor gumeysigii Faransiisku uu si ba’an u burburiyey magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, ayaa waxaa ku jira beyd barki oo noqday halqabsi caan ah oo gabaygaas oo dhan lagu xasuusto. Waa midka oranaya: “Dhammaanteen walbahaarka reer Bari baan u nahay /كلنا في الهم شرق”, oo macnihiisu yahay dhammaanteen isku doon baan saaran nahay, oo dhibka waan wadaagnaa.

Waxaana xusid mudan, in dalka Shiinuhu daawo caawimaad ahayd oo uu u diray dalka Masar xilligii lagu gudo jirey xanuunka Karoonaha, uu ku dul xardhay meeriskaas gabayga ah ee halqabsiga noqday.

Meeris kale oo isagana si weyn loo yaqaan, oo isla gabaygaas ku jiraa waa midka Showqi uu ku sheegay in sida qura ee xorriyadda lagu hantaa ay tahay dhiig loo shubo (=وللحرية الحمراء باب ... بكّلّل يد مض َّرجة ُيُيدق).

Yeelkadeede, weedha hore waxaan xasuustay goor dhaweyd mar aan dhegaystay gabayga carbeed ee cinwaankiisu yahay “Qaata Maalka iyo Manaasibta, Laakiin Dalka ii Daaya/خذوا المناصب والمكاسب لكن خلولي الوطن”. Waa erayo gabyaagu uu madaxda carabta ugu sheegay in ay qaataan wax walba oo magaca dowladnimada lagu helo maal iyo manaasibba, laakiin waddanku uu ka badbaado. Runtiina waa erayo ku habboon in lagu yiraahdo ragga siyaasadda Soomaaliya hormuudka u ah-heer federaal iyo heer maamul-goboleedba. War wax walba qaata, laakiin dhulku yuu gacanteenna ka bixin -kaba uu baxyey e.

Waan hubaa in soomaalida badankoodu marka ay dhegaystaan erayada gabaygaan ay u qaadanayaan in iyaga xaaladdooda laga curiyey, oo uu dareenkooda ka tarjumayo.

Dal macnihiisu waa meel lagu helo xorriyad, caddaalad, karaamo iyo rajo; oo looga baxo addoonnimada, cabsida, dulmiga, quusta, qaxa, musuqa, faqriga, cudurka iyo jahliga. Hase ahaatee, arrimahaasi ma ah kuwo laga filayo madaxda siyaasadda ee hadda soomaalida hor boodaya. Waxa keliya ee la isweydiiyaa waa in hagardaamadooda laga badbaadi karo iyo in kale? Middaas baa dad badani miciin moodaan. In carrada, biyaha iyo hawada aan shisheeya wada qaadan; oo uusan ka dhigin qayb uu toos u qaato iyo qayb uu wasakheeyo.

Maansada carabiga ahi waxay leedahay:

Waxaan ahay muwaadin

Isaga oo wareersan warcelin idinka dhawraya

Gurigaygu waa waddo walba.. dacal walba, albaab kasta

Waxaan ku kaaftoomaa samir iyo aammusnaan

Hantidaydu waa xantooba carro ah

Saboolnimo kama baqo, laakiin waxaan ka cabsadaa ciiryaamada

Adduunyo ma daneeyo, oo dacaskaygaan kula tuntaa

Ii daaya dhulkayga, wax walba oo kale diyaar baan u ahaye

Waa ballan Ilaah, in maalinna aanan ka mid noqon madaxdiinnaan madaxyo weynta ah

Eebbahay wuxuu og yahay in riyadayda oo idili ay tahay eray qura, in aan waddan lahaado.

Dagaal, burbur, masaa’ib iyo mixnad midna ma rabo

Qaata maalka iyo manaasibta ee waddanka ii daaya

Waddankayga aan jeclahayow, adiga ayay muwaadinka iyo halgamaagu kugu faanaan

Adiga ayaa ka qurxoon, oo ka qaalisan, oo ka weyn kuraasta

Alle iyo uunkiisuba waxay ka marag yihiin.. in aan leeyahay riyo keliya oo ah in aan waddan lahaado. Maalka iyo manaasibta qaata, laakiin noo oggolaada in aan lahaanno waddan xor ah.

Comments