#dawladnimo
Dawladnimo
Dhanbaallada Beershiya iyo dulqaadka diimaha
Dabshidkii 1721, sharciyaqaan Faransiis ahaa oo la oran jirey Charles Montesquieu (1689-1755), ayaa wuxuu soo saaray buug cinwaankiisu yahay "Dhanbaallada Beershiya" (=Persian Letters/رسائل فارسية). Waa buug isla goortii uu soo baxayba ka mid noqday buugta loogu akhriska badan yahay. Haddana lagu ti
Tijaabada Wahaabiyada (Salafiyada)
Tan iyo markii la riday dawladdii Cusmaanidii Turkiya, waxaa dunida Islaamka ka curtay urur diimeedyo siyaasadeed oo fara badan, oo aragtiyo iyo madaahib kala duwan xanbaarsan. Waxayna dhammaantood tiigsanayeen inay yagleelaan dawlad Islaami ah oo balaaran sida tii Cusmaaniyiinta. Waxaa xusid mudan,
Qiil loo heli maayo wixii soobbe ka dhacay hadday saadambe dhacaan!
Warbaahinta caalamka waxa aan ka daawaday masiibadii Muqdisho ka dhacday, madaxa Afrika ee BBC waxa uu sheegay in qaraxu ahaa kii ugu awoodda badnaa ee magaalada ka dhaca tan iyo 2007 markaa oo ay ahayd xilligii lagu dhawaaqay dhaqdhaqaaqa Alshabaab. Ma aan maqal in Alshabaab sheegatay masuuliyadda
Quusta qabyaaladda
Qofka Soomaalida ugu qabyaalad badani waxa uu jeclaan lahaa in uu arko soomaalida oo dhammaantood hal dowlad ah oo nabadaysan. marka laga reebo qayb ka mid ah qabiilka Soomaalilaan la baxay oo jeclaan lahaa xudduuddii Ingiriiska oo Soomaalida kale ka madaxbannaan in ay helaan. Aragtida qaybtaas reer
Wahaabiya: diin iyo dowlad!
Maxamed Cabdiwahaab waxa uu ku dhashay tuulada Cuyeyna ee aagga Najdi oo ka tirsan dalka maanta loo yaqaan Sacuudi Carabiya taariikhdu markii ay ahayd 1703. Waxa uu diinta islaamka wax ka mid ah ku bartay tuuladaas uu ku dhashay, ka dibna waxa uu waxbarashadiisa ka sii watay Maka iyo Madiina. Dabade
