Islaamiyiinta isbeddelka badan iyo calmaaniyadda qarsoon
Labo toddobaad ka hor, ururka Ikhwaanu Muslimiinku (= Muslim Brotherhood = اإلخوان المسلمون) wuxuu u dabbaaldegay xuska 90 guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka. Waana dhacdo ay tahay in aan durduro lagu dhaafin, balse mudan in si fiican la isu dul taago saamaynta weyn ee ururkaani uu ku yeeshay
