Explore
Discover the latest and most popular posts from Maandoon.
Laab Ka Xajinta
Maalmahaan malaayiin Muslimiin ah ayaa ku mashquulsan gudashada waajibaadka xajka oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee Islaamka. Muslimiinta oo idil waa isku raacsan yihiin waajibnimada iyo fadliga xajka. Xadiis nebiga laga wariyo oo fadliga xajka ka hadlaana wuxuu yiraahdaa: “Xajka mabruurka ahi ma lah
Falsafadda Soonka
Ummadda Islaamka waxaa u curatay bishii barakaysnayd ee Ramadaanka. Marka xilligaas la joogana waxaa munaasib ah in hadalku u bato isxasuusinta arrimaha la xiriira soonka Ramadaanka. Inta badanna mawduuca waxaa laga abbaaraa saddex qodob, oo kala ah; Kow: xusidda fadliga soonka, siiba soonka bisha R
Sheekobaraleyda Muwaadinka Wahsada
Buuggaan loo bixiyey cinwaanka aadka u dheer ee “SHEEKOBARALEYDA MUWAADINKA WAHSADA: Baaritaan Ku Saabsan Sawirka Laga Bixiyey Malaysida, Filibiinida iyo Jaawida Muddadii u Dhaxaysay Qarnigii 16-aad iyo kii 19-aad iyo Shaqada Dhanka Aydaloojiyadda Ah Ee Sawirkaasi uu u Hayey Hantigoosiga Gumeystaha,
Ilbaxnimo Aan La Difaaci Karin Xasuuqa Qasa iyo Gumeysi-diidnimadii Siiseer - Q. 1aad : Geerida Farsamada Holokoostiga
24-kii Oktoobar 2023, laba toddobaad ka dib weerarkii Xammaas ay ku qaadday Israa’iil, Wasaaradda Caafimaadka Ee Qasa warbixinteeda maalinleha ah waxay ku sheegtay war argagax leh oo sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay duqaymaha Israa’iil Qasa ku dileen 704 ruux oo Falastiini ah.
