Explore
Discover the latest and most popular posts from Maandoon.
Bal sawiro duni aan seere jirin
Fannaankii Bob Marley (1945-1981) wuxuu rumaysnaa in heesaha iyo muusiggu ay yihiin tallaalka lagula tacaali karo nacaybka, midabtakoorka iyo colaadaha haddii dadka lagu duro. 3-dii bishii Diseembar 1976 Bob Marley oo isu diyaarinaya bandhig- faneed loogu magacdaray "Jamaaykaay dhoollocaddee /Smile
Maxkamadaynta Eebbe (filin)
Bulshada Yahuuddu muddo afar kun oo sano ah waxay ku andacoon jireen in ay yihiin "shacab Alle doortay" (=Chosenness or the chosen people /شعب هللا المختار), laakiin dhowrkii qarni ee u danbeeyey -siiba wixii ka dambeeyey dagaalkii 2-aad ee adduunka- arrinkaas dhanka kale ayuu isu rogay oo yahuuddu
Ruusoo: Feylasuufkii Masarka Xaday
Feylasuufkii Joon-Jaak Ruusoo (= Jean-Jacque Rousseau 1712-1778), oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay aqoonyahannadii saddexdii qarni ee u danbeeyey dunida soo maray kuwooda ugu caansan, waxaa laga wariyaa in uu yiri: "Waagii aan cidina i aqoon, waxaan u jeeli jirey in dunida oo dhan la iga barto. Taa
Boorkhees iyo uumanka male'awaalka ah
Boorkhees oo caadadiisu ay ahayd in uu isku si ula dhaqmo xaqiiqada iyo male'awaalka, hordhaca buugga wuxuu ku leeyahay: 'Ma naqaan waxaa mas-duulaagu uu yahay, si la mid ah sida aynaan u aqoon waxa koonku uu yahay.' Sidaa darteed, looma baahna in lala yaabo uumankaan male'awaalka ah.
Dabinkii Jiraalka: Diiriye-Maarkoos
Aniga oo akhrisanaya buuggaan "Dabinkii Jiraalka: Diiriye-Maarkoos", ee uu qoray Dr. Maxamed Xirsi, ayaa waxaa ii soo galay barbaar 21 jir ah oo ka mid ah dhallinyarada qurbaha ku dhashay, kuna koray. Wuxuu i weydiiyey: Muxuu yahay buugga aad akhrinaysaa? Erayo uguma jawaabin, ee galka buugga dhanki
Deriskunool faallo filin
Bulsho-baarihii Zygmunt Bauman (1925-2017), dadka saboolka ah ee dunida ku nool wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin "Qashinka dunida casriga ah". Tilmaantaasi ma ah mid uu ku maagayo saboolka, balse -sida ay la tahay- xaaladda saboolku ay ku sugan yihiin iyo sawirka kuwa ladani ay ka bixiyaan baa sidaas
Dabar oo talo saaro
Waxaa la sheegay in nin hal watay uu nebiga u yimid, kuna yiri: "Rasuulkii Allow, ma inta dabro ayaan Alle talosaartaa, mise inta iska daayo baan talosaartaa? Nebiguna wuxuu ku yiri: dabar oo talosaaro / يا رسول هللا، أعقلها وأتوكل، أم أتركها وأتوكل؟ فقال له النبي: اعقلها، وتوكل".
Tallaal ma isu noqonnaa?
Sida khubaro iyo saynisyahanno badani ay sheegeen, in feyraska Koroonaha tallaal loo helaa waxay qaadanaysaa waqti dheer oo sannad ka badan. Maxaa yeelay, hubinta heerka isku hallaynta tallaalku waxay u baahan tahay in la helo kasho ku filan in tallaalka sheybaarka lagu tijaabiyo, dabadeedna lagu ti
Kala fogaantu waa aasaaska fayoqabka
Cumar waxaa laga sheegay in nin saxaabada ka mid ahaa oo xanuunsanaa uu ku yiri: 'Waran dhererki iga fariiso (Ha ii soo dhawaan)'. Warmuhu, inkasta oo dhererkoodu uu kala geddisan yahay... haddana caadi ahaan dhererkoodu waa u dhow yahay labada mitir ee bahda caafimaadku ay hadda ku talinayaan.
Eebbe jahliga uma hiilliyo
Marka aadan lahayn awood aad isaga caabbiso cadowgaaga, caqliga iyo dareenku waxay kuu sheegayaan in aad ka cararto ama aad ka dhuumato. Fayraska COV 19, ma laha daawo iyo tallaal toona, sida qura ee looga badbaadi karaana waa in laga hortago, oo looga cararo sida deeradu ay libaaxa uga cararto ama
